Sheekh Aadan Madoobe “Dowladda Waxay Aqoonsatay Heshiisna La Gashay Jabhad Shacabka Baabi’isay”.

0

Adan_madoobeMuqdisho (AGGM): Sheekh Adan Max’ed Nuur Madoobe oo ahaa Guddoomiyihii Hore ee Baarlamaaka Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay aqoonsatay Jabhad baabi’isay Shacabka magaalada Kismaayo isagoo ulla jeeday maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee dhawaantan ay heshiiska la gashay dawlada Soomaaliya.

”Jabhadda ka arrimisa Kismaayo waxa ay si aan ka leexad laheyn u baabi’iyeen shacabka degan Magaalada Kismaaayo , hadana dowladdu waa ay sii aqoonstay” ayuu yiri Xildhibaan Adan Madoobe.

Adan Madoobe oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in meelaha qaar xittaa ay burburiyeen jabhaddaasi guryihii shacabku degenaa si aan raadadkooda dambe loo arkin , isagoo fadeexad soo food saartay dowladda Soomaaliya ku tilmaamay aqoonsiga maamulka Jubba.

Hadalka gudoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa yimid kadib markii dawlada Soomaaliya ay heshiis rasmi ah la saxiixatay maamulka Jubbaland oo lagu doortay magaalada Kismaayo, kaasoo ay dhisteen dadka ku nool deegaankaasi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com