Kulan Looga Hadlayey Hanaanka Socdaalka Iyo Tayeyntiisa Oo Ka Dhacay Muqdisho

0

Aadan-cadde-450x342Muqdisho(AGGM) Kulankan oo ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyiin ka socotay laanta socdaalka iyo jinsiyadaha soomaaliya madax ka socotay Hay’adda IOM iyo danjirayaal ka socday dowladaha Ingiriiska iyo Holand,islamrkaana lagu daah-furayay heshiiska mashruuca tayeynta iyo kor u qaadida hanaanka socdaalka iyo jinsiyadaha soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay magaaladda muqdisho.

Taliyaha laanta Socdaalka iyo jinsiyadaha soomaaliya Generaal C/llaahi Gaafow Maxamuud ayaa ugu horeeyn dadkii kulanka ka soo qeyb galay uga warbixiyay hanaanka socdaalka soomaaliya ee xiligan iyo waxyaabaha uu u baahanyahay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaaladda Muqdisho,isagoo sheegay in garoonka uu u baahanyahay in dhinacyo badan laga hor mariyo sida in garoonka look ala qeybiyo meel ay ku degaan diyaaradaha ka yimaada gudaha dalka iyo kuwa ka yimaada wadamada caalamka.

Danjiraha dowladda Britian ee soomaaliya Neil Wigan ayaa sheegay in dowladaha ingiriiska iyo Holland ay iska kaashanayaan sidii dhinac walba looga horumarin lahaa soomaaliya.

Mashruucan waxa uu ka turjumayaa in dowladaha ingiriiska iyo Holand ay ka caawiyaan masuuliyiinta socdaalka soomaaliya qorshaha ay ku hor marinayaan awooda maamulka socdaalka xuduudaha,waxan tababar u sameeyn doonaa shaqaalaha ka shaqeeya hay,adaha socdaalka”ayuu yiri Wigan.

Danjiraha dowlada ingriiska ayaa sheegay Mashruucan ayaa waxaa ku kaceeyso lacag dhan 2.5milyan oo doolarka maraykanka ah,waxana uu quseeyaa dhamaan socdaalka xuduudaha soomaaliya.

Madaxa  hay’adda socdaalka ee IOM soomaaliya Cali Cabdi ayaa sheegay in hay’adda IOM ay mar walba diyaar u tahay in ay soomaaliya ka taageerto dhinaca duulimaadyada,isagoo sheegay in ay soomaaliya siiyeen qalab iyo tababaro si kor loogu qaado amniga hay’adaha socdaalka.

Cali Cabdi ayaa u mahad celiyay dowladaha ingiriiska iyo Holand oo taageer dhinac walbo leh siiya IOM.

Taliyaha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha soomaaliya General C/llahi Gaafow Maxamuud oo ugu dambeyntii la hadlay saxaafadda ayaa faah-fahin ka bixiyay waxyaabihii kulanka maanta diiradda lagu saaray iyo baahiyo badan oo sida uu sheegay ay u gudbiyeen danjirayaasha kulanka  kala soo qeyb galay.

“Waxaan codsanay in na laga caawiyo xuduudaha oo aan shir isugu imaano dalalka Kenya,Ethopia iyo Jabuuti si aan ugu heshiino goobo cayiman oo la iskaga gudbi karo,meelahaasna laga dhiso wax kasta oo ay u baahantahay waaxda socdaalka”ayuu yiri gaafoow.

General C/llahi Gaafoow Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in ay weeydiisteen in laga caawiyo isku xirka socdaalka gobollada dalka soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com