Holland Iyo Ingiriiska Oo Lacago Ugu Deeqay Garoonka Diyaaradaha Aden Cade International.

0

aden cade airportMuqdisho (AGGM): Xaflad balaaran Oo ay kasoo qayb galeen Masuuliyiin kala Duwan Oo Katirsan Dowlada Somalia Iyo shaqaalaha Air port-ka Lagu soo Bandhigayay Mashruux Hormarineed Oo Ka Bilaaban Doona Garoonka Diyaaradaha Aden Cade Ayaa Maanta Ka dhacay Halkaasi.

Mashrucaan ayaa ah mid si aad loogu hor marinaayo qeybaha kala duwan Ee Garoonka Waxaan halkaasi ka hadlay Masuuliyiin Uu ka mid yahay Taliyaha waaxda Socdaal Iyo Jinsiyadaha Ee Dowlada Somalia.

laqaalaha Ku baxaya Howshaan Ayaa la sheegay In ay bixiyen Dowladaha Nederland Iyo Ingiriiska Iyagoo Usoo mariyay Hay’adda IOM lacagtaas Oo la tilmaamay In ay Gaareyso 2.5milyan Ee Dollar.

Neil Wigan Safiirka Ingiriiska U fadhiya Somalia Oo hadal jeediyay ayaa sheegay In ay ka Go’an tahay sidii ay dhan walba Uga tageeri lahayeen Somalia Isagoona xusay In ay sii kordhin donaan howlaha ay ka wadaan Somalia.

C/laahi Gafoow Max’uud Taliyaha Waaxda Socdaalka Oo Isna Halkaa ka hadlay ayaa Ugu Horeyn U mahad celiyay Dowladihii dhaqaalahaas Bixiyay Isagoona Hoosta Ka Xariiqay In dhamaan Qarashkaas Uu ku bixi doono Halkii Loogu Tala Galay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com