Golaha Wasiirada oo Ansixiyay Xeerka Isgaarsiinta Qaranka Xusayna Dawladdu Dadaal ugu Jirto Badbaadinta Nidaamka Xawaaladaha Dalka:-War-saxaafadeed

0

Shirka_Golaha_Wasiirada_2Muqdisho(AGGM) Shirkii joogtada ahaa ee golaha wasiirada oo maanta uu shir gudoomineysay Ra’iisal Wasaare ku Xigeenka, ahna Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga Marwo Fawziya Yuusuf Xaaji Aadam ayaa maanta asnixiyay Xeerka Isgaarsiinta Qaranka.

Dhanka kale, golaha ayaa kal fadhigan kaga hadlay arrimaha xawaaladaha, amniga, burcad badeeda iyo xaalada hantida qaranka sida guryaha dawladda oo ay isku raaceen inay loo baahan tahay siyaasad cad oo dawladdu ka yeelato arrinkaas.

Wasiirka Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Mudane Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi oo saxaafadsa la hadlay kadib shirkii golaha ayaa soo dhaweeyay ansixinta xeerka isgaarsiinta qaranka. Waxaa kaloo uu wasiirku sheegay goluhu aad uga xunyahay go’aanka uu Barclays Bank ku joojinayo adeegii uu u samayn jiray xawaaldaha Soomaaliyeed. Golaha ayaa go’aanka Baanka ku tilmaamay mid abuuraya xaalad banii’aadannimo oo aad u adag. Waxaana goluhu isku raacay in dawladda dadaal xoogan u gasho bad-baadinta nidaamka xawaaladdaha dalka.

“Waxaan aad uga xunahay go’aanka Barclays Bank uu ku joojinayo macaamilka ama shaqadii uu u hayay xawaaladaha Soomaaliyeed, waa arrin saamaynaysa ummada Soomaaliyeed iyo gobolka oo dhan. Dadaal siyaasadeed ayaan ugu jirnaa sidaan ku bad-baadin lahayn nidaamka xawaalada dalka,” ayay tiri Fawziya Yuusuf Xaaji Aadam.

Wasaarada Maaliyada ayaa golaha u soo bandhigtay Qorshaha Dib-u-Kabashada Dhaqaalaha Dalka 2014-2015. Qorshahan ayaa wasiirka maaliyada mudane Maxamuud Xasan Suleemaan ku tilmaamay in qorshuhu ku wajahan yahay abuurida jawi hagaagsan oo dhinaca wax-soo saarka ah, uuna soo noolaynayo dhaqaalaha asagoo dajinaya qaab hogaamineed la xiriira horumarinta dalka.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Guddaha iyo Amniga Qaranka mudane Cabdikarim Xuseen Guuleed ayaa golaha siiyay warbixin dhanka amniga ah. Wasiirka ayaa xaalada amniga dalka ku tilmaamay mid ka soo raynaysa. Waxaana uu ka warbixiyay booqashadii todobaadkan uu Madaxweynuhu ku tagay magaalada Marka oo uu ku tilmaamay mid miro natiijo aad u wanaagsan u soo hoysay dawladda iyo shacbiga deegaankaas labadaba.

Ugu dambeyntii, goluhu waxay ay warbixin ka dhagaysteen gudoomiyaha hay’ada ladagaalanka burcad badeeda mudane Muxiyadiin Cali Yusuf oo golaha u sheegay in gabi ahaanba falalkii burcad badeedu aad hoos ugu dheceen. Waxaana uu hoos u dhacaas u tiiriyay dadaalka ay dawladda iyo shacbiga Soomaaliyeed u galeen ka hortaga burcad badeeda.

“Mudo sanad iyo dhawr bilood ah ma jiraan maraakiib lagu afduubtay xeebta Soomaaliya, waa horumar weyn. Waxaadse moodaa in mashruucii burcad badeedu noqday barnaamij shirkado iyo dalal badani aad uga faa’iideen laakiin Soomaaliya ku dulman tahay,” ayuu yiri Muxiyadiin oo intaas ku daray inay ay laga maar maan tahay in wax laga qabto kaluumaysiga sharcidarada ah ee saldhiga u ah mushkilada burcad badeeda.

—DHAMAAD—–

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com