Afhayeenka AMISOM Oo Cambaareyay Dilkii Malaaq Yuusuf.

0

Cali-Aadam-XaamudMuqdisho (AGGM): Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa cambaareeyay dilkii habeen hore magaalada Baydhabo loogu geystay Malaaq Yuusuf Cali Sheekh oo ka mid ahaa malaaqyada gobolka Baay.

Afhayeenka AMISOM, Kornayl Cali Aadan Xumad oo wareysi siiyay Warbaahinta ayaa tacsi u diray ehelada Malaaqa iyo asxaabtiisa, isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay dilka loo geystay.

Afhayeenka ayaa sheegay inay ciidamo u direen goobta uu falku ka dhacay, in kastoo ay ku guul darreysteen soo qabashada kooxihii gacan ku dhiiglayaasha ahaa.

Kornayl Xumad ayaa shacabka Baydhabo ku sifeeyay kuwo nabadda jecel, isagoo kula dardaarmay in ay la shaqeeyaan ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, si ammaanka loo xoojiyo.

Koox bastoolado ku hubeysneyd oo lala xiriirinayo al-Shabaab ayaa habeen hore Malaaq Yuusuf Sheekh Cali ku toogtay meel aan ka fogeyn hoygiisa, iyagoo markiiba goobta ka cararay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com