War Deg Deg Ah: Qaraxyo Caawa Ka Dhacay Todoba Kamid Ah Degmooyinka Magaalada Muqdisho.

0

qaraxa turkigaMuqdisho (AGGM): Qaraxyo xiriir isdaba joog ah ayaa waxay caawa ka dhacay meelo badan oo ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoo inta badan qaraxyadaan lagu weeraray Ciidamada Dowladda.

Qaraxyadaan ayaa waxaa caawa si saf mareen ah loogu weeraray Degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid, Hawl Wadaag, Hodan, Wadajir, Xamar Jajab iyo Xamar Weyne.

Isgoyska Sanca ee Degmada Kaaraan, ayaa waxaa laga maqlay laba qarax, oo lagu weeraray Ciidan ka tirsan Dowladda, oo furay rasaas aysan u meel damin, mana cadda khasaaraha ka dhashay.

Laanta Suuq Bacaad ee Degmada Yaaqshiid, ayaa dhowr xabo bambo gacmeyd iyana lagu weeraray, waxaana la ogyahay inay ku wax yeeloobeen laba ruux oo shacab ah.

Saldhiga Degmada Yaaqshiid waxaa gudaha loogu tuuray ilaa laba bambo, lamana garanaayo khasaaraha ka soo gaaray Ciidanka Dowladda.

Isgoyska Baar Ubax ee Degmada Hawl-wadaag, oo kamid ah goobaha la weeraray, qarax lagula weeraray Ciidamada Dowladda, ee ka hawlgala.

Dhabarka dambe ee Hotel Ambassador ee Degmada Hodan, ayaa waxaa qaraxyo bambaano lagula weeraray Ciidan ka tirsan Dowladda, sidoo kalana waxaa halkaasi ka dhacay israsaaseyn. oo uu ku dhintay hal ruux, halka afar kalana ay ku dhaawacmayn.

Wadada xiriirisa Garoonka Aadan Cadde iyo Isgoyska KM4 ee Bartamaha Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa laga maqlay dhowr xabo oo bambo gacmeyd ah, oo aan la ogeyn, haddii ay cid wax ku noqotay.

Saldhiga Booliska ee Degmada Xamar Weyne, oo kamid ah meelaha lagu weeraray bambooyinka, ayaa waxaa halkaasi laga maqlay ilaa seddex qaraxyo.

Qaraxyada caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho, oo ahaa kuwo meelo badan laga maqlay, ayaa waxay ka duwanaayeen, qaraxyadii bambooyinka caadiga ahaa, ee dhowaanahaanba laga maqlaayay Caasimada.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com