QM: Diyaaaradaha Dagaalka In Lagu Weeraro Al Shabaab Baa Haboon.

0

ban-ki_moon_2354611bMuqdisho(AGGM)Sida lagu qoray wakaalada AP,xoghayaha guud ee qm Ban Ki Moon ayaa ka digay in Somalia ay ku wajahan tahay dowlad faashil ah waxana uu ka dalbaday dhaman wadamada calamka in ay diyaradahooda qumaatiga u kaca ee helkobtariska iyo kuwa ciidamada qaada ay ku biiriyaan dagaalka ka dhan ka ah dagalamayasha Al-shabab.

Hadalkaan ayaa waxa uu Mr Ban Ki Moon ka horsheegay golaha amanka QM waxana uu shegay in kooxda Argagexisada ee xirirka la leh al-qaeda uuna u la jeeday dagalamayaasha Al-shabab ay wadaan in ay wiiqan dadaalada lagu doonayo in lagu nabadeyo Somalia iyagoona uu ku eedeyen carqaladeen amaanka caasimada Muqdisho.

Xoghayaha guud ee QM Ban Ki Moon aya ugu baaqay xubnaha QM in ay ciidamada midowga afrika kaga sugan Somaaliya ee ku howlgalaya magaca Howlgalka AMISOM in lagu taagero diyaaradaha dagaalka nooca qumaatiga u kaca iyo kuwa ciidamada qaada si ay u xoojiyaan dagaalka lagu doonayo in Somalia looga sifeeyo xarakada Al-shabab.

Ugu dambeyntii hadalka xoghayaha guud ee QM Ban ayaa imaanaysa waqti ay xarakada Al-shabab ay shegen weerar gaadma ah ay ku qaaden gawaaridi uu la socday madaxweynaha jamhuriyada Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com