Malaaq Yuusuf Cali Oo Xalay Lagu Toogtey Magaalada Baydhabo

0

ToogashoMuqdisho(AGGM) Gudaha Magaalada Baydhabo waxaa xalay si bareer ah loogu toogtey Nabadoon caan ka ah goboladda Bay iyo bakool,waxaana la xaqiijinayaa inay xalay dileen kooxo bistoolado ku hubeysnaa,waxaana la dilay xilli uu gurigiisa hortiisa ku sugnaa isla markaasna ka yimid masjid ku yaala Magaalada Baydhabo.

Saraakisha ciidamada amaanka Magaalada Baydhabo oo saxafada la hadlay ayaa shaaciyey inay ku daba jiraan kooxihii dilkaasi ka dambeeyey,waxaana saraakisha amaanku sheegeen inay dilkaasi duliyeen kooxda Alshabaab oo ugaarsata Waxgaradka iyo maamulka gobolada dalka.

Col Isaaq Marexaanow oo ah taliya ciidamada madaniga ah ee Magaalada Baydhabo ayaa shaaciyey inay saacadaha soo socda faahfaahin ka bixin doonaan inay wax ka qabtaan dilkaasi,waxaana uu sheegay in dilkaasi loo dabinayo inay Alshabaab fuliyeen,waxaana uu sheegay inay gacan ku soo dhigi doonaan dadkii dilkaasi ka dambeyey.

Ugu dambeyntii dilkan waxaa aad uga xumaaday shacabka ku dhaqan Magaalada Baydhabo,waxaana ay sheegeen inay talaabo aad looga naxo tahay dilka nabadoonkaasi oo ay ku tilmaameen inuu ahaa nin masuul ah isla markaasna nabadda jecel una ololeeya,waxaana maanta lagu wada in lagu aaso qabuuraha Magaalada Baydhabo iyadoo ay ka qayb gali doonaan aaskiisa maamulka iyo dadka shacabka ahi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com