Madaxweynaha DF Soomaaliya Oo Maanta Magaalada Muqdisho Kula Kulmay Wasiirka Xiriirka Caalamiga Ee Sweden.

0

madaxweynaha-kulanMuqdisho (AGGM): Madaxweynaha Mudane Xasan Sheikh Maxamud ayaa maanta kulan Muqdisho kula qaatay Wasiiradda Horumarka iyo Xiriirka Caalamiga ee dalka Sweden Gunilla Carlsson.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Waxaa kulankan ku wehliyey Ku Simaha R’aiisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda Marwo Fowzia Yusuf Haji Adam, Wasiiradda Garsoorka, Gaashaandhiga iyo Arrimaha Gudaha. Dhanka kale Wasiiradda waxaa ku wehliyey Ergeyga gaarka ah ee Geeska Afrika iyo Safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxwenaha ayaa Wasiiradda Swedan uga mahadceliyey imaatinkeeda Muqdisho iyo sida ay dowladda Sweden u garab taagan tahay Soomaaliya iyo weliba Soomaalida qurbojoogta ku ah Sweden. Madaxweynaha ayaa Wasiiradda siiyey warbixin kooban oo la xiriirta xaaladda dalka iyo qorsheyaasha dowladda ay hiigsaneyso 2016 iyo shirka Brussels. Madaxweynaha ayaa sheegey in shacabka Soomaaliyeed ay aad ugu hanweynyihiin shirka Brussels inuu noqdo mid caalamku ay ku midoobaan sidii dalka Soomaaliya dib-u-dhis xoogan loogu sameyn lahaa. Isla markaana uu ka codsaday Sweden inay kaalin fiican ka qaataan shirkaas.

Wasiiradda Sweden ayaa sheegtay in Dowladda Sweden ay ka go’antahay saacidaada Soomaaliya oo ay tiri waxaan rabnaa inaan noqono laba dal oo ka wada shaqeeya sidii Soomaaliya ay u noqon laheyd dal nabad ah oo shacabka Soomaaliyeed ay u heli lahayeen amni waara iyo horumar. Wasiiradda ayaa Madaxweynaha uga mahadcelisay sida uu dumarka u siiyey jagooyin siyaasadeed oo lagu faani karo. Wasiiraddu waxey caddeysey inay ka soo qeybgaleyso shirka Brussels isla markaana ay Dowladda Sweden ka mid noqon doonto waddamada yabooha sameynaya oo taageeraya dib u dhiska Soomaaliya.

Markii uu kulanka Madaxweynaha iyo Wasiiradda uu dhamaaday waxay  shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada, waxayna labada Masuul ay  sheegeen sida Soomaaliya iyo Sweden ay uga go’antahay inay ka wada shaqeeyaan horumarka, nabadeynta iyo dimoqraadiyeynta Soomaaliya.

Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaarisay qorshihii lala hortagi lahaa Brussels ee dalka dib loogu dhisi lahaa kana codsaday Sweden iyo caalamka inay qorshahaas meel marintiisa nagula garab galaan si dalka Soomaaliya uu horumarka bilowday u sii joogteeyo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com