Kulan Lagu Taageerayay Heshiiski Dowladda Iyo Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Oo Ka Dhacay Magaalada Baydhabo.

0

magaalada-baydhaboBaydhabo (AGGM): Kulan lagu taageerayay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, islamarkaana lagu soo dhaweynayay heshiiskii dhawaan magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ku dhex maray dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Maleeshiyo beeleedka  Raaskambooni ayaa ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Kulankaasi oo ahaa mid ay soo qaban qaabiyeen odoyaasha dhaqanka ee gobolka Baay ku dhaqan ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen taageerada ay u hayaan dowladda, iyadoo lagu soo dhaweeyay heshiiskii dhawaan dalka Itoobiya ay ku kala saxiixdeen wakiilo ka kala socday dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Malaaq Xasan Cali Cabdi Nuur oo ka mid ah dadkii  la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa shaaca ka qaaday in shirka ay ka qayb galeen odoyaal dhaqameed fara badan, loogana hadlayay taageerada ay u hayaan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, isagoo intaa ku daray ay soo dhaweynayaan heshiiskii Addis Ababa.

Malaaqa ayaa ugu baaqay dowladda inay sii xoojiso ka mira dhalinta heshiiskaasi, maadaama uu yahay mid bilow ah loona baahanyahay in la dhameystiro heshiiskaasi oo ay joogto noqdaan shirarka lagu sii amba qaadayo dhameystirka heshiiskaasi ay kala saxiixdeen dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com