Horjoogaha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe “Dhawaan Ayaan Booqasho Ku Tagi Doonaan Magaalada Muqdisho”.

0

madoobeKismaayo (AGGM): Horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe ayaa faahfaahin ka bixiyay heshiiskii dowladda federaalka iyo maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ay toddobaad ka hor ku gaareen magaaladda Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Horjooge Axmed Madoobe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in la dhammeeyay khilaafkii  u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaaskambooni ayaa intaas raaciyay in dhowaan ay booqasho ku tagi doonaan magaalada Muqdisho, halkaasoo ay kula kumi doonaan madaxda dowladda federaalka.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in sidoo kale ay rajeynayaan in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu booqasho ku imaan doono magaalada Kismaayo.

Horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa tallaabo wanaagsan ku tilmaamay heshiiskii ay wada gaareen dowladda iyo maleeshiyo beeleedka Raaskambooni,  wuxuuna mahad-celin u jeediyay madaxwyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu sheegay inuu dadaal u galay dhammeynta khilaafka u dhaxeeyay dowladda iyo maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com