Faah-faahin Dheeri Ah Oo Ka Soo Baxaysa Kulankii Dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Waxgaradka Magaalada Marko.

0

madaxweyne-xasan1-150x150Marka (AGGM): Madaxweynaha dawlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi wasiiro ah oo ku sugan degmada Marka ayaa xalay illaa shalay kulamo la qaadanayey bulshada deegaanka.

Madaxweynaha oo ay wehlinayaan wasiirada gaashaandhiga iyo arrimaha gudaha ayaa xalay illaa shalay kulamo la yeeshay odayaasha dhaqanka, culimada, haweenka, dhalinyarada iyo saraakiisha maamulka ee heer gobol iyo heer degmo ee ku sugan degmada Marka Cadeey.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya oo khudbad dheer oo dhinacyo kaladuwan taabaneysay ka jeediyay kulankii xalay ayaa waxa uu ka hadlay xaalada dalka iyo sida loogu baahanyahay in dowlada lagala shaqeeyo sidii ay dalka ugu soo dabaali laheyd nabad iyo horumar.

Sida wararku sheegayaan madaxweynaha ayaa waxgaradka iyo masuuliyiinta deegaanka waxay ka wada hadleen arrimaha amaanka, nabadeynta iyo maamul u sameynta gobolka Shabeelaha Hoose oo beryihii la soo dhaafay khilaaf uu ka taagnaa.

Arrinta amaanka ayaa madaxweynuhu wuxuu u ballanqaaday dadka ku nool gobolka Shabeelaha Hoose, gaar ahaan magaalada Marka ee xarunta u ah gobolka in loo sameyn doono ciidamo boolis ah oo laga soo xulay deegaanka kuwaasoo la rabo inay amaanka deegaanka gacanta ku dhigaan, dawladuna ay ka taageereyso tababarida booliska iyo qalabeyntooda.

Madaxweynaha ayaa ballanqaaday in magaalada Marko loo sameyndoono ciidamo booliis ah oo leh akhlaaq wanaagsan kuwaas oo ay soo xusheen dadka deegaanka, wuxuuna intaa raaciyay in maamulka gobolka ay iyagu soo xulandoonaan isagoo xusay in  wasaarada arrimaha guduhu aysan waxba usoo magacaabidoonin wixii xiligan ka dambeeya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com