Dowladda Ingiriiska Oo Soo Dhaweysay Shir Weynaha Qaran.

0

mat boughMuqdisho (AGGM): Dowladda ingiriiska ayaa soo dhaweysay Shirka Qaran ee geedi socodka Siyaasada Soomaliya ee ka soconaayo Magaalada Muqdisho.

Danjira Somaliya u Fadhiyo Dowlada Ingiriiska ayaa soo dhaweyay shirka ka soconayo Magaalada Muqdisho isagoo sheegayn in uu aad ugu faraxsan yahay in shirkan uu Muqdisho ka furmo.

Mr Matt Baugh oo maanta ka qeyb galayay shirweynaha Qaran ee Geedi Socodka Siyaasada Soomaaliya oo galay maalintiisii sadexaad ayaa waxa uu sheegay in uu yahay mid muhiim ah dowlada uu danjiraha u yahayna ay si diiran u soo dhaweyneyso.

“Waan ku faraxsanahay in maanta aan hortiina imaado xili aad arimo muhiim ah ka hadleysiin, dowlada Ingiriiska weysoo dhaweyneysaa shirkaN qodobada xasaasiga ah looga hadlaayo” Ayuu yiri Amb. Matt Baugh

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com