Daawo: Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ku Dabaashay Xeebta Marka Cadey.

0

xasan dabaalMarka (AGGM): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamud ayaa manta ku soo laabtay Muqdisho ka dib safar labo cisho qaatay oo uu ku joogey magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelada Hoose.

Madaxweynaha ayaa waxaa safarkan ku wehliyey Wasiiradda Garsoorka, Gaashaandhiga, Arrimaha Gudaha, xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha ayaa maalintii shalay aheyd tagey xeebta magaalada Marka Cadey oo uu halkaas isaga iyo wafdigiisaba ku dalxiiseen, kuna dabaasheen si loo dhiiri geliyo nabadda Marka iyo is dhexgalka bulshada.

Madaxweynaha oo warbaahinta la hadlay isagoo jooga xeebta ayaa yiri “Xeebtan quruxda badan iyo kuwa la midka ahba waxey naga rabaan inaan ku dalxiisno, isla markaana aan mustaqbalka dhow uu caalamku u soo dalxiis tago. Gobolkan Shabeelaha Hoose waxuu EEBBE ku maneystay xeebo, beero, wabi iyo xoolo oo intaba ah kheyraadka dalka. Sidaas daraadeed, waa inaan ka wada shaqeynaa nabadda iyo horumarka ay dowladdu waddo. Maanta waad u jeedaan inaan dabaalaneyno oo nabad iyo nimco EEBBE na siiyey ah noogana baahan inaan ku shukrino oo aan ku raaxeysanno.”

Madaxweynaha ayaa intii uu joogey kulammo la qaatay maamulka gobolka Shabeelaha Hoose iyo degmooyinkiisa, oday dhaqameedka deegaanka, iyo shacabka Gobolka oo uu kula dardaarmay inay dadaaladda dowladda wado kala shaqeeyaan si dalka loo gaarsiiyo horumar iyo barwaaqo. Madaxweynaha oo arrintaa ka hadlaya ayaa yiri “Booqashadeena Marka waa mid taariikhi ah oo aan dooneyno in shacabka gobolka Shabeelaha Hoose aan uga mahadcelino dadaaladii dib-u-heshiisiinta iyo nabadeynta ee muddo ka socotay deegaanka. Dowladdu waxey soo dhoweyneysaa in shacabka soomaaliyeed ay ka wada shaqeeyaan nabadeynta iyo dib u heshiisiinta, waayo waddankan waxaa iska leh shacabka, sidaas daraadeed, waxaa shaqsi walba waajib ku ah inuu u istaago sidii xal nabadeed oo waara loo dhexdhigi lahaa bulshada.”

Madaxweynaha ayaa sdoo kale kala hadlay shacabka Gobolka Shabeelada Hoose sidii looga wada shaqeyn lahaa inay dalkan doorashooyin ka dhacaan.

Madaxweynaha ayaa yiri “Qorshaha dowldda ayaa ah inaan 2016 dalka aan gaarsiino doorashooyin xor ah oo shacabku ay soo doortaan dadkii matali lahaa. Sidaas daraadeed, waxaan Gobolka Shabeelaha Hoose ka rabnaa inay hroseed u noqdaan barnaamijkaas oo shacabka deegaanku bilaabo nabadeynta iyo sidii aad u soo dooran laheydeen maamuladda deegaanka iyadoo la waafajinayo dastuurka iyo sharciga maamul u sameynta gobollada dalka.”

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com