Muqdisho(AGGM) Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha jamhuuriyada federaalka soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada marka ee xarunta gobolka shabeelada hoose.waxana halkaasi ku soo dhaweeyay qeybaha kala ee bulshada.
Wafdi madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah wasiirka gaashaandhiga C/xakiim Xaaji Maxamuud Fiqi,wasiirka cadaalada arrimaha diinta iyo oowqaafta C/llahi Abyan Nuur,wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka C/kariim Xuseen Guuleed iyo taliyaha hay’ada nabad sugida,sirdoonka qaranka Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka.
Madaxweynaha oo saaka safar dhulka ah ku aaday gobolka shabeelada hoose ayaa sii maray degaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka shabeelada hoose,waxana madaxweynaha uu ku salaamay dadweeyne aad u fara badan oo wadooyinka safnaa kuwaasi oo watay calanka soomaliya,caleemo qoyan iyo sawirka madaxweynaha soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa mudo labo maalmood ah ku suganaan doono gobolka shabeelada hoose waxa uu kulamo kala gadisan la yeelan doono qeybaha kala duwan ee bulshada.
Wasiirka gaashaandhiga xukuumada soomaaliya C/xakiim Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa radio muqdisho u sheegay in madaxweynaha uu caawo seexan doono magaalada Marka halkaasi oo uu kula kulmi doono mas’uuliyiinta maamulka KMG ah ee gobolka shabeelada hoose iyo odoyaal ka tirsan beelo dhawaan ay dowlada heshiisiisay magaalada muqdisho.
Waxaa maalmahaan magaalada marka ku sugnaa wafdi ka tirsan dowlada soomaliya,kuwaasi oo wada hadalo la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada.
Ugu dambeyntii waa booqashadii ugu horeeysay oo madaxweynaha soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu safar dhulka ah ku tago gobol ka mid ah gobollada dalka soomaaliya,isagoo horey u booqday magaalooyinka Baydhabo,Baladweyne iyo Garoowe.
[ca_audio url=”http://rajonews.com/wp-content/uploads/2013/09/DHAGEYSO-GUDDOOMIYAHA-GOBALKA-SHABEELAHA-HOOSE.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com