Gen. Cabdisamad Cali shire Oo Dhagax Dhigay Dhismaha Dugsiga Sare Ee Degmada Taleex.

0

SONY DSCTaleex (AGGM): Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen Cabdisamed Cali Shire oo weli ku sugan degmada Taleex ayaa maanta dhagax dhigay dugsi sare oo dhawaan dawladda Puntland degmadaasi kahirgelinayso.

Xafladda dhagax dhiga ayaa waxaa ka qayb galay dhammaan waftiga iskugu jira Baarlamsanka iyo xukuumadda ee u hogaaminayo madaxweyne ku xigeenku,maamulka degmada Taleex iyo maamulka waxbarashada .

Ugu horayn ayaa waxaa ka hadlay xafladda dhagax dhiga oo lagu qabtay dugsiga sare ee degmadan duqa degmada Taleex Maxamuud Cali warsame, wuxuuna soo dhaweeyey dhisitaanka dugsigan sare iyo wax qabadka xukuumadda Puntland ay maalmahan ka fulinayso degmada Taleex.

Maamulaha dugsiga sare ee Taleex Shiikh Daahir oo isna hadlay ayaa ka hadlay baahiyaha ka taagan dugsiga sare ee Taleex oo uu sheegay inuusan lahayn Laab, wuxuuna dawladda Puntland ku amaanay mashaariicda arrimaha bulshada waxtarka u leh ee ay ka fulinayso Taleex.

Wasiir ku xigeenka maaliyadda Puntland Cabdi Ibraahim Warsame oo hadal kooban jeediyey ayaa dugsiga sare ee Taleex ku amaanay kaalintii ay ka qateen deeqdii waxbarsho ee Turkiga 2011 oo imtixaankii lagu qaaday Garoowe ay ardaydii ugu badnayd eek u baastay ay wax ka baranayeen dugsiga sare ee Taleex.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen Cabdi Samed Cali Shire oo intaas ka dib dhagax dhigay dugsiga sare ayaa ka hadlay ahmiyadda waxbarshada iyo kaalinta dawladda Puntland ay siinayso,wuxuuna nasiib darro ku tilmaamay inaysan badi ardayda reer Taleex aysan galin Imtixaankii dugsiyada sare ee Puntland kadib markii buu yiri ay jaahwareeriyeen dad wax magarato ah oo aan eegayn danta ardayda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com