Dr. Bile Oo Qabashadiisa Ay Iska Kashadeen Somaliland & Puntland, Itoobiyana Loo Dhiibayo

0

Somaliland_PoliceHargeysa(AGGM) Dhakhtar caan ah oo ka soo jeedda Degaanka Kilinka 5-aad isla markaasna lagu magacaabo Dr Bile isla markaasna ka hawlgali jirey isbitaaladda Magaalada Laascaanood iyo Burco,isagoo ahaa dhakhtarka kaliya ee hawlaha qaliinka ka ah gaar ahaan qaliinka haweenka uurka leh  ayaa maalintii 3-aad ku xiran xabsi qarsoon oo ku yaala Magaalada Burco.

Dr Bile ayaa la sheegayaa inuu ahaa Dakhtar inta badan u naxariista dadka danyarta ah ee aan awoodin inay bixiyaan dhaqaale lagu qalo,waxaana la sheegayaa in xili habeenino ah ciidamada Argagixisa la dirirka Somaliland ee loo yaqaano RRU ay kala baxeen huteelkii uu ka deganaa Magaalada Burco.

Wararka qaar laga helayo illo wareedyo ku dhaw dhaw Saraakisha ciidamada Somaliland ayaa sheegaya in Dr Bile ay soo codsadeen in gacanta loo geliyo Maamulka Kilinka 5-aad iyo dawlad federaalka ah ee Itoobiya,waxaana la sheegayaa in beeno lagu abuurayo Dakhtarkaasi isla markaasna uusan wax siyaasad ah ku lahayn.

Sidoo kale wararkan ayaa sheegaya in Maamulka Puntland xiriir la soo sameeyey Maamulka Somaliland oo ay  xiriir wanaagsan leeyihiin isla markaasna ka codsadeen inay fuliyaan in gacanta loo geliyo Ninka Dhakhtarka dawlada itoobiya,waxaana la sheegay in Maamulka Somaliland arrintaasi fuliyeen isla markaasna aan la ogeyn ilaa iyo hadda meesha dhakhtarkaasi ku xiran yahay.

Dhakhtarkan ayaa la sheegay inuu hawllo qaliin ka waday Magaalada Laascaanood iyo Burco halkaasi oo uu ku qali jirey dad bukaan ah,waxaana la sheegaya in arrintaasi ay ka caroodeen shacabka ku dhaqan magaalooyinka Laascaanood iyo Burco oo la sheegay inay codsanayaan in dhakhtarkaasi xoriyadiisa dib loo siyo inkastoo aan la ogeyn meesha uu ku xiran yahay ilaa iyo hadda.

Ugu dambeyntii Waxa la sheegaya in ganacsato iyo waxgarad ka soo jeeda Magaalooyinka Laascaanood iyo Burco isku dayeen inay damiin lagu sii daayo balse arrintaasi laga diiday,waxaana wararku shaacinayaan inuu wali ku xiran yahay Magaalada Burco dhakhtaarkaasi iyadoo aan la hubin arrimahaasi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com