Dhageyso: Prof Geedi Oo Shirka Muqdisho Ka Soo Horjeestey,Dushana U Saaray Koox Keliya

0

geedi-usa2Muqdisho(AGGM) Mudane Cali Maxamed Geedi oo ka mid ahaa Raisalwasaarayaashii dalka soo maray intii ka dambeysay burburkii dawladii dhex ee Soomaaliya ayaa ka hadlay shirka Muqdisho ka furmay,waxaana uu sheegay in shirkaasi yahay mid ay wadato koox kaliya isla markaasna uusan ahayn mid soomaaliyeed.

Dr Geedi waxaa uu sheegay in Shirkaasi ay hormuud u yihiin koox uu ku tilmaamay inay hoos tagaan madaxweynaha Soomaaliya,waxaana uu shaaciyey in shirkaasi uu yahay mid aan waxba ka jirin isla markaasna aan wax buuran ka soo bixi karin,waxaana uu sheegay in dawladu dadka ku jaah wareerinayso waxqabad la,aanteeda.

Ugu dambeyntii Geedi ayaa ka mid ah rag culculus oo ka soo horjeeda dawlada federaalka ah isla markaasna doonaya inay cidda afka u daraan,waxaana Geedi uu dawlada federaalka ah ee Soomaaliya ku tilmaamay mid aan awood lahayn isla markaasna dib u rid ku wada horumarka shacabka soomaaliyeed.

[ca_audio url=”http://rajonews.com/wp-content/uploads/2013/09/DHAGEYSO-CALI-MAXAMED-GEEDI-.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com