Dhageyso: Madaxweyne Xasan Qarandiid Oo Markii Labaad Todobaad Gudihii Weerar Afka Ah Ku Qaaday Dowladdi Dhexe Ee Soomaaliya.

0

xasan sheekh11Muqdisho (AGGM): Madaxwenaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud (Xasan Qarandiid) ayaa marki laba shalay shir ka dhacay magaalada Muqdisho, waxa uu weerar afka ah ku qaaday Dowladdi dhexe ee Soomaaliya ee uu hogaaminayay Allaha u Naxariistee Madaxweyne Maxamed Siyaad Bare.

Todobaadkan ayay ahayd marki Madaxweyne Xasan (Qarandiid) uu sidoo kale weerar afka ah ku qaaday dowladdi dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa waxa uu u muuqda mid xiligan xargo goostay, waxa ayna sababeen hadalada kasoo yeeraya in dowladdiisa kalsoonida lagala laabto iyadoo sabab looga dhigayo maxaa daba dhigay dowladdi dhexe ee aanu wada ogsooneeyn sida ay u dhowortay sharafta iyo karaamada dadka iyo dalka Soomaaliyeed isagoo Tangi afrikaan saaran, maalina looga yeeraya Addis Ababa, Maalina looga yeerayo Nairobi.

Soomaalidu waxa ay ku maah maahdaa Tiisa daryeelaa tukale ku dara , waxaan oranaynaa Madaxweynaha dalkan aad gumeeystaha kula gorgortameeyso ama ay kuu hagayaan halkeey doonaan markaad ka baxdo oo aad shisto dowlad iyo ciidamo awood leh, wax ka sheeg dowladdi dhexe ee Soomaaliya, balse waa kugu ceeb adoo wiil Ugaandees ah ku ilaalinayo inaad Dowlad awood iyo sharaf qaarada africa ku laheeyd inaad wax ka sheegto.

Madaxweyne Xasan Qarandiid ayaa marnaba waxa uu ka hadlin Jabhadihi dalka burburiyay masiibada iyo aafadana u horseeday, waloow dadka qaar ay ku xantaan in uu Madaxweynaha ka tirsanaa mid kamid ah Jabhadaas.

Dowladdi Dhexe ee Soomaaliya waxa ay xoriyad buuxda gaarsiisay dowladdo kamid ah qaarada Afrika, dowladdihi ay xoreeysay ayaana maanta waxay ilaalo u yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la’aantoodna uu ka bixi karin Villa Soomaliya.

Isku soo wada duuboo waa su’aal maskaxda dadka Soomaaliyeed wareerisay, kaba soo qaad Dowladdi dhexe ee Soomaaliya inay Xumeeyd amaba qaldaneed, sida caalamkaba ka dhacda Dowladd marki ay ku kacaan jabahado marki ay jabahadahas dalka la wareegaan waxa ay horseedaan in Dowladda ka wanaagsan dowladdii meesha ka abxday ay dhistaan dalkaasi, tani ayaa waxa ay ku tuseeysaa in Dowlaadi dhexe aan lala dirirnee lala dirirayay Dowladnimada sababtoo ah, lama burburiyeen Xafiisyada Dowladda, goobaha waxbarashada, goobaha caafimaadka, xarumaha ciidamada iyo dhamaan astaan waxii u ahaa dowladdnimada taas ayaana waxa ay ku tuseysaa in aan lalla dirireeyn dowladdi dhexe ee lala dirirayay in dowladnimada.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/09/Voice_022.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Halkan Hoose Ka Daawo Waxqabadki Dowladdi Dhexe Ee Soomaaliya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com