Dhageyso: Alshabaab Oo Dhoobley Ku Gawracay Masuul Ka Tirsan Jabhada Raskambooni

0

gawracKismaayo(AGGM) Kooxda Argagixisada ah ee Alshabab ayaa la sheegaya inay saacadihii la soo dhaafay degaanka Shabaax ee ku yaala duleedka Degmada Dhoobley ku gawraceen masuul ka tirsan Jabhadda Kale ee Raaskambooni,waxaana la sheegaya in masuulkaasi Gudoomiye ka ahaa degaanka Shabaax ee gobolka Jubadda hoose.

Gudoomiyahan ayaa la sheegay in Maamulka Jabhadda Raaskambooni ay xilkaasi u magacabeen bishi la soo dhaafay inuu gudoomiye ka noqdo degaanka Shabaax ee Duleedka degmada Dhoobley,waxaana la sheegay inuu Axmed Madoobe masuulkaasi u magacaabay xilkaasi,waxaana la sheegaya inay Alshabaab gacanta ku dhigeen.

Masuulkan ku baxay gacanta Alshabaab ayaa la sheegayaa inay gacanta ku dhigeen xilli uu biyo ka doonayey ceel degaankaasi ku yaala,waxaana la sheegay inay si toos ah nolosha ugu qabteen isla markaasan ay bireyeen,waxaana wararku sheegayaan in meydkiisa laga helay duleedka degaanka Shabaax.

Ugu dambeyntii Labada Jabhadood ayaa ku dagaalamaya degaano badan oo ku yaala gobolka Jubadda hoose,waxaana dhawr jeer dhexmarey dagaalo khasaare lixaad leh sababay oo labada dhinac soo kala gaaray,waxaanse si dhab ah loo ogeyn talaabad aay qaadi doonaan jabhada Raaskambooni ee Masuulkaasi laga gawracay.

[ca_audio url=”http://rajonews.com/wp-content/uploads/2013/09/DHAGEYSO-GUDDOOMIYAHA-DEGMADA-QEEX-MAXAMED-C-LAAHI.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com