Kashifaad: Puntland, Galmudug,Ximan Iyo Xeeb Oo Laga Taqalusayo & Qorsha Dawladda Soomaliya

0

xog1Muqdisho(AGGM) Warar Sir ah oo laga helay Xarunta Madaxtooyadda  Villa Soomaaliya gaar ahaan Xafiiska Madaxweynaha dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya  Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa la sheegayaa in laga helay Qorshaha ka dambeeya in ciidamada Ahlusuna waljameeca iyo kuwa dawlada federaalka ah ee gobolladda dhexe loo mideeyey isla markaasna laysugu daray.

Ciidamadan ayaa la sheegayaa in ujeedkoodu inay noqdaan kuwo Mado marin u noqda ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Amisom isla markaasna lagu wado inay bilaha soo socda ka soo degaan Gobolka Galgaduud,waxaana la sheegaya in ciidamada Amisom lagu wado inay gaaraan degaano badan oo ka tirsan degaanada Puntland ilaa gobolladda dhexe ee dalka Soomaaliya.

Qorshahan ayaa la sheegayaa inuu yahay mid lagu doonayo in looga taqaluso Maamuladda Awoodda leh ee ka jira Soomaaliya sida Maamulka Puntland , Galmudug & Ximan Iyo Xeeb,waxaana la sheegaya in degaanadaasi marka ay garaan Ciidamada Amisom iyo kuwa dawlada federaalka ah ee Soomaaliya laga hirgeliyo nidaam maamul gobol oo la mid ah kan hadda loo sameeyey Gobolladda Jubooyinka iyo Gedo.

Qorshahan ayaa la sheegay in Beesha Caalamka iyo Qaramada Midoobay ay horseed u tahay isla markaasna lagu tilmaamay mid Taabo galin kara horumar iyo nabad ka dhalata dalka Soomaaliya isla markaasna isu furi kara Goboladda dalka Soomaliya oo idil.waxaana ay sheegeen in la joojinayo Waxa loogu yeero Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada isla markaasna lagu soo koobi doono Gudoomiye Guud iyo mid goboleedyo.

Sidoo kale waxaa la sheegaya in Maamuladda Galmudug,Iyo Ximan iyo Xeeb ay iyagu ogolaadeen talabadaasi isla markaasna ay sheegeen inay qaadayaan qorshaha dawlada federaalka ah ee Soomaliya,waxaana la sheegayaa in Maamuladaasi ogolaadeen talaabada Beesha Caalamka, Qaramada Midoobay & dawlada Federaalka ah.

Dhinaca kale dawlada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay Xiriir hoose la yeelatey Mucaaradka ku ka kacsan Maamulka Faroole,waxaana la sheegaya in dawladu u balan qaaday inay ciidamo u tababarto isla markaasna u qalabeyso iyadoo wararka qaarkood sheegayaan in ciidamadaas qaarkood hadda ku sugan yihiin gobolada Dhexe Iyo Gobolka Bari qaybo ka mid ah.

Dawlada Federaalka ah ayaa la sheegayaa inay doonayso inay ka hortago doorashadda Puntland inta aysan dhicin isla markaasna mucaaradka lagu kiciyo Maamulka Faroole,waxaana la sheegaya in Mucaaradka Ka soo horjeeda Maamulka Puntland ay ogoladeen qorshahan cusub ee la dejiyey ee ku aadan habka maamulka goboladda Dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa la sheegaya inuu saacadihii u dambeyey warkaasi ka war helay isla markaasna uusan ka hadlin iyadoo lagu wado inuu jawaab ka bixiyo isla markaasna uu ka hadlo qorshaha lala damacsan yahay degaanada Puntland iyo Maamullada kale ee dalka Soomaaliya ka jira.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com