Puntland Oo Ugu Danbeytii Soo Dhaweeysay Heshiiskii Magaalada Addis Ababa.

0

faroole1Muqdisho (AGGM): Kadib markii uu madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland ka biyo diiday hishiiskii dowladda iyo maamulka Jubbaland ku dhaxmaray magaalada Addis Ababa, ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Nairobi ergadii wada hadallada uga qeyb-gashay Jubbaland iyo C/raxmaan Faroole waxaa uu ugu danbeytii ku taageeray Faroole hishiiska.
Markii uu soo dhamaaday kulanka labada dhinac ayaa war-saxaafadeed laga soo saaray xarunta madaxtooyada Puntland waxaa lagu sheegay in maamul gobolleedka Puntland siweyn u soo dhaweynayo hishiiska Addis Ababa.
”.Dowladda Puntland waxay soo dhoweynaysaa heshiiskii ay magaalada Addis Ababa ku wada saxiixeen Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Maamulka Jubaland, heshiis kaasoo qeexaya nidaamka maamulka iyo dowladnimada oo waafaqsan Dastuurkii Federaalka Soomaaliya oo lagu wada heshiiyay,” war-saxaafadeedka ayaa sidaas lagu yiri.
Labada dhinac ayaa sida war-saxaafadeedka lagu sheegay ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid ahaayeen: xoojinta xiriirka labada dhinac iyo taageerista heshiiska Addis Ababa. Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in ay gacan ka geysaneyso sidii loo dhisi lahaa hay’adaha dowliga ah ee maamulkaas.
Maamul gobolleedka Puntland ayaa ka mid ah maamulkii ugu horeynba soo dhaweeyay dhismihii maamulka Jubbaland ee bartamaha sanadkan looga dhawaaqay magaalada Kismaayo, laakiin madaxweyne Faroole ayaa dhawaan ka soo horjeestay hishiiskii uu maamulku la gallay dowladda federaalka, inkastoo markii danbe uu soo dhaweeyay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com