Golaha Wakiiladda Somaliland Oo Ansixiyay Xeerka Maamuuska Madaxweynaha & Xeerka Qareenadda

0

Speaker-Irro-C-chairs-the-closed-door-sessions-300x158Hargeysa(AGGM) Golaha Wakiilada Somaliland ayaa fadhigoodii maanta oo uu shir gudoominayey Gudoomiyaha golahaasi ayaa maanta meel mariyey xeerka Maamuuska madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka iyo mudanayaasha baarlamaanka xeer No 62/2013.

Xildhibaanadda maanta soo xaadiray fadhiga oo tiradoodu ahayd 42 xildhibaan ayaa waxaa ansixinta xeerkaasi ogolaaday 32 mudane,waxa diiday 5 mudane, waxa ka aamusay 4 Mudane, Gudoomiyahuna ma codaynin sidaana waxaa ku ansaxay xeerka hab maamuuska madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka iyo mudanayaasha baarlamaanka xeer No 62/2013.

Dhanka kalena Xildhibaanaddu waxay fadhi labaad oo ay soo xaadireen 44 mudane ay cod gacan taag ah ku ansixiyeen xeerka Qareenadda Somaliland.

Ansixinta xeerka qareenadda waxaa u codeeyey 21, mudane waxaa diiday 13 xildhibaan, waxaana ka aamusay 9 mudane, gudoomiyahuna ma codaynin sidaana waxaa ku ansaxay xeerka qareenada Somaliland xeer No 30/2004.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com