Askar Muqdisho Shalay Dil Ka Geystey Oo Xukun Dil Ah Lagu Riday

0

xukun1Muqdisho(AGGM) Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku xukuntay laba nin oo midkood uu yahay Askari ka tirsan Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed kuwaasi oo shalay galab dil ka geystay magaalada Muqdisho.

Xukunkan dilka ah ee ay ku riday eedeeysaneyaasha Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ayaa ka dhacay gelinkii dambe ee maanta xarunta baarista dembiyada Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed (CID) ayaa waxaa Maxkamadda kasoo hormuuqday labada gacan ku dhiigle iyo marqaatiyadii dambiga ku cadeeyey.

Labadan ruux ayaa lagu kala magacaabaa 1-Laba Xidigle Yaxye Sheekh C/laahi Axmed oo ka tirsanaa Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Xuseen Cali Axmed oo isaguna ka tirsanaa Ciidammada madaniga degmada Wadajir waxaana ay labadooda si wadajir ah dil ugu geysteen laba askari oo iyaguna ka tirsanaa Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya Mudane Liibaan Cali Yaroow oo xukunkaasi ku dhawaaqay ayaa sheegay in labadan gacan ku dhiigle ee dilka lagu xukumay ay shalay galab dilal ka geysteen magaalada Muqdisho balse nasiib wanaag ay Ciidammada Ammaanka gacanta kusoo dhigeen ayaga oo aanan ka baxsan goobta ay dilalka ku geysteen,hubkii ay wateenna ay la wareegtay Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida.

Talaabadan ayaa qeyb ka ah qorshaha ay Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalka ugu jirto hirgelinta Cadaalladda ayadoo talaabadanna ay gacan weyn ka geysan doonto sugidda ammaanka maadaama qofkii dil geysta  24-saac gudahood Cadaalladda lagu horkeenayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com