Soomaali Nolosha Lagu Gubay Wadanka Koonfur Afrika“Sawirro”

0

DSCN82151Muqdisho(AGGM) Allah u naxriistee sedaxda muwaadin oo soomaalida ah oo ay saaka waabarigii goobtooda ganacsi oo ku oo Tuulada Tanbisa ee hoostimadaa magaalada Johanseburg ay ku gubeen kooxo burcad koonfur afrikaan ah ayaa waxaa lagu kala magacabi jiray,Bashiir Maxamed,Cabdi Shaafi iyo C/Wali Cabdullaahi Aadan,

Musiibadan ayaa dadkii ugu horeeyay ee gurmad ahaan u soo gaaray waxa ay sheegeen inay u geeriyoodeen wiilashan neefta ku xirantay ka dib markii ay waayeen meel ay ka baxaaan.

Goobta mashaqadan loogu geeystay muwaadiintan soomaalida ah ayaa waxaa gaaray boqolaal Soomaali ah oo wajiyadooda ka muuqatay murugo fara badan.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee johanedberg C/qaadir Axad  oo gaartay halka ay dhibaatadu ka dhacday ayaa la kulmay dadki goobtaasi gaaray waxa ay uga warameen sida ay uga xunyihin dhibaatada sii kordheeysa ee dalka koonfur afrika loogu geeysanayo dadka soomaalifa ah ee ka ganacasada dalkaasi.

Sidoo kale Madaxda Safaaradda Soomaalida ee Koonfur Afrika ayaa gaartay gobtaasi waxana Saxaafadda  la hadlay Qunsula Safaaradda ahna sii haya xilka Safiirka, Mudane Maxamed Cali Mire (Nabadoon) oo tacsi u diray ehelada ay ka geeriyoodeen dhalinyaradasi,isagoo baaqna u jeediyay Soomaalida ku dhaqan Koonfur Afrika,uguna baaqay in ay is ilaaliyaan oo ay amaankooda ka taxadiraan kana fogaadaan inay ku ganacsadaan tuulooyinka fog fog oo ay kala kulmi karaan dhibaatooyinka kala duwan.

Tuulada Tanbisa ayaa waxaa ganacsiyo badan ku leh Soomaali fara badan ,waxana todobaadkan gudihiisa lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed xilli uu watay gaarigiisa.

Isha Ku hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

DSCN8214DSCN8216DSCN8219DSCN8219 DSCN8220DSCN82151