Malleeshiyaad Ka Wada Tirsan Shabaab Oo Ku Dagaalamay Degmada Diinsoor Ee Gobolka Baay

0

SOMALIA MILITIABaydhabo(AGGM) Iska hor’imaad hubeysan oo sababay dhimasho iyo dhaawac una dhaxeeyay maleeshiyaad ka wada tirsan argagixisada Shabaab ayaa ka dhacay degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Dagaalkan oo shalay ka dhacay Diinsoor ayaa la sheegay in uu ka dhashay lacago baad ah oo ay maleeshiyaadkaasi  ka qaadi jireen jidgooyo u taala degmada Diinsoor, waxaana ku geeriyooday laba ka tirsanaa maleeshiyaadkaasi oo dagaalamayay, iyadoo la sheegay in uu ku dhaawacmay nin ganacsade ah.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo aynu ka helnay degmadaasi ayaa sheegay in ay jirto xiisad iyo saansaan colaadeed oo laga dareemayo magaaladaasi, waxaana wali is horfadhiya maleeshiyaadki dagaalamay oo kala taageerayay laba horjooge oo isku maandhaafay lacago baad ah oo ay ka helaan jidgooyo u taala degmadaasi.

Dadka Deegaanka ayaa ku waramaya in saacadihii ugu dambeeyay ay magaaladaasi soo gaarayeen maleeshiyaad kale oo wata gaadiidka dagaalka kuwaas oo u muuqda iney kala taageerayaan labada dhinac ee dirirtu dhexmartay.

Degmada Diinsoor oo ka tirsan gobolka Baay ayaa ah degmada kaliya ee shabaabku kaga suganyihiin gobolka Baay, waxaana loo arkaa dagalkani inuu ku seynsaabanyahay khilaafka u dhaxeeya horjoogayaasha argagixisada Shabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com