Madaxwene Ku Xigeenka Puntland Oo Sheegay Inay Siyaasado Guracan Ragaadiyeen Horumarka Taleex.

0

Madaxweyne-ku-xigeenka-Puntland-Cabdisamad-Cali-Shire_1_d349dTaleex (AGGM): Madaxwye ku xigeenka maamulka Puntland General C/samad Cali Shirre ayaa sheegay Puntland inay mashaariic badan oo hormarineed ugu talo gashay degmada Taleex ee gobolka Sool oo ay haatan ku sugan yihiin isaga iyo wafti uu hogaaminayo.

Hadalkaan ayuu madaxweyne ku xigeenku sheegay xilli uu si rasmi ah u dhagax dhigayay boqol sano kadib ceel biyoodkii ugu horeeyay degmada Taleex laga hirgalinayo.

Gen. C/Samad Cali Shirre ayaa sheegay inay jiraan isbitaal qaaxada lagu daaweeyo, dugsiyo waxbarasho iyo adeegyo oo loogu talo galay degmada Taleex kuwaas oo sheegay inay hagar daamiyeen siyaasado guracan oo gobolkaas ka taagan sida uu sheegay. Balse wuxuu intaa ku daray inay haatan dowladdu si rasmi ah u fulinayso mashaariicdaan.

Dadka reer Taleex wuxuu ugu baaqay inay kasoo horjeestaan cid walbo oo kasoo horjeeda horumarka deegaankooda oo iyagana aan waxba u qabanayn.

Dhinaca kale Saaka ayaa lagu wadaa inuu bilaabmo shir dib u hishiisiin ah oo degmada Taleex lagu qabanayo kaas oo lagu hishiisiinayo beelo wada dhashay oo wada dega gobolada SSC. Shirka waxaa lagu waday inuu shalay furmo hase ahaatee cillado farsamo ayuu ubaaqaday.

Rag katirsan maamulka Khaatuma ayaa kasoo horjeeda shirkaan waxayna ciidamo badan soo dhoobeen degmada Bocame oo uu halkaas ku sugan Biindho oo kamid ah madaxweynayaasha Khaatuma.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com