Muqdisho(AGGM) Mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimha gududaha iyo amniga Qaranka oo gobolka Shabeelaha Hoose u jooga fulinta heeshiis laba beelood oo gobolka ku dagaalantay ay ku gaareen magalaada Muqdisho, ayaa rajo ka muujiyay dhaqangelinta heshiiskaasi iyo qaadista jidgooyooyinka yaala gobolka Sh/Hoose.
Agaasimaha guud ee waaarada arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Cali Abtidoon Xalane oo ka mid ah wafdigaasi ka socda wasaarada arrimaha gudaha ee ku sugan gobolka Sh/Hoose ayaa Allgalgaduud u sheegay iney la kulmeen maamulka gobolka, kan degmada iyo qeybaha kaladuwan ee bulshada, sida odayaasha dhaqanka, waxgarad, dhalinyaro, culumaa’udiin iyo haween, wuxuuna intaasi raaciyay in si fiican la iskula qaatay heshiiskii lagu gaaray magaalada Muqdisho
‘’Waxaa loo ballansanyahay meel waliba in la gaarsiiyo heshiiskii lagu gaaray Xamar, isbaarooyinka dhimana la qaado waana isku raacnay odayaasha dhaqanka ee labada beelood ee walaalaha ah, odayaasha dhaqanka gudigii loo xilsaaray arinta iyo wasaarada arrimaha gudaha oo wada socda ayaa lagu balamay iney wada fuliyaan howlshaasi’’ Sidaasi waxaa yiri agaasimaha guud ee wasaarada arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Cali Abtidoon Xalane.
Mas’uuliyiinta ka socota wasaarada arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ee ku sugan magaalada Marka ayaa qorsheynayaa sidii loo qaadi lahaa jidgooyooyin la sheegay iney yaalaan deegaano ka mid ah gobolka.
Wafdigan ayaa sidoo kale rajo wanaagsan ka muujiyay iney meelmarindoonaan heshiis ay Muqdisho ku gaareen waxgaradka beelo dhawaan ku dagalamay gobolkaasi, islamarkaana ay mudnaan siindoonaan qaadista jidgooyooyinka yaala qeybo ka mid ah gobolaasi.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com