Dhageyso:Dawladda Oo Daboolka Ka Qaaday In Beri Shir Weyne Qaran Furmayo

0

IMG_81D5CC-9F72E0-1E49BD-7B450C-42DD40-062715Muqdisho(AGGM) Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga dawlada federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdikariim Xasan Guuleed ayaa maanta daboolka ka qaaday in maalinimada beri ah uu furmi doono shirweyn qaran kaasi oo uu sheegay inay ka soo qayb galayaan dadweyne fara badan isla markaasna looga hadli doono waxyaabo ay ka mid yihiin federalismka,Dastuurka iyo qorshaha 3 da sano ee soo socda dawlada federaalka ah.

Sidoo kale waxaa uu wasiirku daboolka ka qaaday in looga hadli doon shir weyn kale oo dhawaan ka furmi doona muqdisho kaasi oo looga hadli doono arrimaha dib u heshisiinta,waxaana uu sheegay in shirkan beri furmaya uu wax badan u soo golgol xaari doono isagoo shaaciyey in shirkaasi ay ka soo qayb gali doonaan dadweyne badan.

Wasiirku waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in shirkaasi looga hadli doono arrimo badan oo u golgol xaari kara in saddex sano ka dib qof kasta codkiisa si xor ah u dhiibto.

Ugu dambeyntii dawlada federaalka ah ee soomaaliya waxaa wada qorshe federaalismka looga hirgalinayo dalka soomaaliya isla markaasna wax badan looga qaban lahaa gobollada muranku ka taagan yihiin madama dawladu ka baxday ku meel gaar.

DHAGEYSO-WASIIRKA-ARIMAHA-GUDAHA-IYO-AMNIGA-QARANKA

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com