Dagaal Xoogaan Oo Ka Dhacay Deegaanka Qansax-Dheer.

0

06012013150511Muqdisho(AGGM): Dagaal xoogan ayaa xalay ka qarxay deegaanka Qansax-Dheere oo ka tirsan Gobolka Bay kaas oo u dheexeya ciidamada dowlada soomaliya oo garabsanaya ciidamo Ethiopian ah iyo kooxaha al-shabaab oo dhinac,dagaalkan aya ala sheegay in la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan isla markaana dhimasho iyo dhaawacba sababay.

Dagaalkan ayaa la sheegaya ain ka bilaabmay ka dib ciidamada dowlada iyo kuwa Etoobiyaan ah ay ku ruqaansadeen degmada Korobood oo ka tirsan deegaanka Qansax-dheere oo ay ciidamada al-shabaab ay gacanta ku hayaan halkaas uu dhashay dagaal qadhaah oon waxba la iskula hadhin labada dhinacba.

Sida ay sheegayaan dadka deegaanka dagaalka xalay ka qarxay deegaankaas ayaa waxaa ku dhinteen 7-Ruux oo labada dhinacba ah isla markaana Tiro gaadhaysa ilaa 12 Ruux oo kale iyadoona la xaqiijiyey inay ku jiraan dadkaas dhaawac ah dadka deegaanka ku nool ee lagu kor-dagaalamay xalay.

Wararka ku saabsan dagaalkaas ayaa sheegaya in dagaalka xalay ka dhacay Tuulada Koranood oo kuunfur kaga beegan degmada Qansax-dheera ayaa sheegaya in dagaalkaas khasaaro ba’ani ka soo gadhay dadka deegaanka isla markaan ay ku baabeen Anti dhowr ah oo ay ku jiraan guryo faro badani.

Xoogaga al shabaab ee deegaankas gacanta ku hayaa ayaa la sheegayaa inay iska caabiyeen ciidamadii isgarabsanayey ee dagaalak ku soo qaaday iyo ciidamada dowlada federalka iyo kuwa ethiopianka ahiba ay saaka aroorti isaga soo baxeen deegaankaasi.

Xaaladda deegaanka Koranbood ayaa saaka ah mid deggen, inkasta oo weli xiisad colaadeedi ay halkaas ka taagan tahay lamana garan karo ciidamada dowlada iyo kuwa Ethiopianka ahiba inay dib weerar kale ugu soo qaadi doonaan deegamadaas.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com