C/raxmaan Yariisoow ”Dowladda Soomaaliya Diyaar Ayay U Tahay Qancinta Cid Kasta Oo Diidan Heshiiskii Addis Ababa.

0

eng yariisoowMuqdisho (AGGM): Kadib markii maalintii shalay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay uu ka dhacay dibadbax balaaran oo looga soo horjeedo dowladda federaalka Soomaaliya iyo hishiiskii dhawaan lagu gaaray magaalada Addis Ababa, waxaa arrintaa ka hadllay afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya C/raxmaan Yariisoow.

Afhayeenka ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya diyaar u tahay in ay qanciso cid kasta oo diidan hishiiskii dhawaan lagu gaaray magaalada Addis Ababa oo uu ku tilmaamay in uu ahaa hishiis daaf fur ahaa qorshaha dib-u-hishiisiinta.

”Dowladda waxaa ay ku baaqday shirweyne dib u hishiisiin ah oo lagu qabanayo magaalada Muqdisho horaanta bishan aynu ku jirno, shirkaa waxaa ka soo qeyb-galli doona dhamaan qeybaha bulshada Soomaalida, si looga wada arinsado masiirka siyaasadeed ee dalka iyo looguna dhameystiro qorshaha dib-u-hishiisiinta, cid kasta shirkaas waa uu u furan yahay, dowladduna diyaar ayeey u tahay in ay qanciso cid kasta oo dood ka qabtay qorshaha bilowgga ah ee dib-u-hishiisiinta ku dhisan,”ayuu yiri C/raxmaan Yariisoow.

Waxaa uu sheegay afhayeenka in dowladda federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed fursad u siiso ka qaybgalka masiirka iyo aaya  ka talinta dalka,wuxuuna ku nuux-nuuxsaday in midnimada ummadda Soomaaliyeed ay tahay waxa kaliya ee dowladda ay dooneyso.

Shirkii dhawaan ku soo dhamaaday magaalada Addis Ababa ayaa markiiba waxaa laga bixiyay aragtiyo kala duwan, waxaana jira siyaasiyiin soo dhaweysay shirka, halka kuwa kalana ay ka soo horjeesteen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com