Wasiir Ku Hanjabay In Tallaabo Laga Qaadayo Cidii Ka Hor Timaada Sahaminta Shiidaalka

0

Warancadde71Hargeysa(AGGM) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cade ayaa ka hadlay hawlaha sahaminta shidaalka ee laga wado deegaamada gobolka Togdheer, waxaanu tilmaamay in xukuumadu talaabo ka qaadi doonto cidii ka hor timaada sahaminta shidaalka.

Cali Maxamed Waran Cade oo shalay warbaahinta kula hadlay magaaladda Burco waxa uu sheegay in dadka ku dhaqan deegaanka ay ku socoto sahaminta shidaalku ay heli doonaan xuquuqdooda isla markaana ay tixgelinayaan wixii tabashooyina ee jira.

Isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “labada hawlood midna imikaa la wadaa dadkii deegaanka ayaa ka shaqo galay, balooga labaadna in dhawaan la bilaabmo ayaa loo baahan yahay sida loo qaybiyay oo ahayd kolba qolada deegaanka meesha laga shaqaynayo in ay yeeshaan, markaa waxa muuqatay in labadii baloog ay is dhexgaleen oo dadkii sugayay balooga danbe ee sarfaygan hore uu imika soo galay, halkaana ay u qaateen iyaga oo shaqooyinkii wax laga siin, kii labaadna la bilaabayo arrintaa waan iska aragnay shirkadii dhinacan galbeed waday qoladii barigana waan u yeedhnay si markaa look ala xadeeyo labada baloog oo aanay dadkii deegaanka isku qabsan labadii balooga oo la kala xadeeyo oo kala cadaadaan labada baloog oo marka deegaankii soo gaadho baanu wadnaa wixii khalada meesha ka saarno”.

Cali Maxamed Waran Cade waxa uu tilmaamay in xukuumadu ka masuul tahay khayraadka dalka nooc kasta oo uu yahayba, waxaanu yidhi “qarankaa ka masuula dalka haday khayraad yahay haduu xuduud yahay haduu cir yahay, haduu barri yahay, dhamaan masuuliyadu waxay ka saaran tahay dawlada”.

Wasiir Waran Cade waxa uu sheegay in aanay dhici doonin in la is-hortaago hawsha shidaal baadhista,isaga oo tilmaamay in haddii lagu guulaysto hawlaha sahaminta shiidaalka in dad badani ay shaqo ka heli doonaan isla markaana ay dawladu ilaalinayso xuquuqda dadka muwaadiniinta ah.

“Ma dhici karto waad og tihiin oo dalkeena dhibaatada dhaqaale ee ka taagan dadka shidaalladu u soo baxeen halkay marayaan waa la og yahay, markaa dadka noloshooda ayaa laga shaqaynayaa cidna laga aqbali maayo nolosha in las hortaago, laakiin waxyaabaha tabashooyina ee laga gaabiyay waa la daryeelayaa, dadka dawladu way ilaalinaysaa cadaalada ayayna ilaalinaysaa, markaa in laga simo wixii awooda ee shirkaddu leedahay weeye, cidii ka hor timaada dawlada ayaa ka masuula talaabo adag ayaa laga qaadayaa” ayuu yidhi wasiir waran cade.

Isha Ku Hay Allgagalduud

Allgalgaduud@gmail.com