Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Sheegay In Dowladu Waddo Qorshe Lagu Nidaaminayo Habka Bixinta Baasaboorka

0

IMG_04492Muqdisho(AGGM) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in ay dowladdu bilowday qorsheyaal ay ku sugeyso qaadashada baasaboorka Soomaaliga kuwaasi oo kasoo bilaabanaya Dowladda Hoose

Madaxweynaha Jamhuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay arrimaha socdaalka iyo Bassaborka dalku uu leeyahay ayaa ku waramay in dowladda Soomaaliya ay dadaal badan u gashay sidii bulshada soomaaliyeed u heli laheyd Bassabor dhameystiran oo aaney ku dhibtoon.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Basaborka haatan shaqeeya uu caqabad badan kala kulmo meelo caalamka ka mid ah laakiin ay dowladdu bilowday dhameystirka agabyadii ay ubahnaayeen bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa xusay in  dadka Somaliya ay sanadka soo socda u dhameystirmi doonaan adeegyadii rasmiga ahaa ee Bassaborka wuxuuna antaa raaciyay in dowladuna ay hadda bilowday howshan lagu dhameystirayo caqabadihii ka jirey xagga passaporka.

Dowladda soomaaliya ayaa waqti badan ku bixisay sidii loo unki lahaa Bassabor ay dadka Soomaaliyeed ugu kala safraan caalamka intiisa kale.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com