Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Safiirka Cusub Ee Ethiopia Ka Guddoomay Waraaqihiisa Aqoonsinimo ( Sawiro)

0

hhaa-515x343Muqdisho(AGGM) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waraaqihiisa Aqoonsiga ee danjirinimo ka guddoomay Safiirka cusub ee dowladda Ethiopia u soo magacawday Soomaaliya.

Madaweyne Xasan Sheekh oo safiirka cusub ee Ethiopia Wondimu Asaminew  ku qaabilay xafiiskiisa ayaa waxa uu ugu horeyn Madaxweynuhu ka guddoomay waraaqiihii aqoonsi ee safiirnimo, waxaana ay ka wada hadleen arrimo badan oo xaaladda dalka ku saabsan iyo sidii loo horumarin lahaa cilaaqaadka saaxiibtinimo ee labada dal ka dhexeeya.

Wondimu Asaminew safiirka cusub ee dowladda Ethiopia ayaa kulanka uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah la yeeshay kadib lahadlay warbaahinta qaranka waxa uu carabka ku dhuftay inuu dhawaan shaqadiisa si rasmi ah u bilaabi doono, uuna xoogga saari doono sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeysa labada dal

Dowladda Ethiopia waxay kamid tahay dowladaha xiriirka dhow oo saaxiibtinimo la leh Soomaaliya, waxa uuna safiirkan cusub badali doonaa safiirkii hore ee dalkaasi uga wakiilka ahaa Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

goodhhaaIMG_1067IMG_1080IMG_87491