Daawo Sawirka: R/wasaare Saacid Iyo Wafdigi Uu Hogaaminayay Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Dalka Boqortooyada Sacuudi Careebiya.

0

saacid sacuudiga1Jeddah (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga ayaa waxa ay sheegayaan in R/wasaaraha DF Soomaaliya Mudane Dr. Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” iyo wafdigi uu hogaaminayay ay gaareen magaalada Jeddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Careebiya.

R/wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxa si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha waxa ayna kulamo la qaadan doonaan madaxda sare ee dalka Sacuudiga.

Wafdiga R/wasaaraha ayaa waxa ay ku sugnaan doonaan sida la sheegay dalka Scauudiga mudo 5 maalmood ah.

Isku soo wada duuboo safarka waa safarki ugu horeeyay R/wasaare Saacid uu ku tago wadan ka mid ah wadamada Carabta, isaga oo mudada uu xilka hayay xooga saaray in uu safaro ku maro gobolada dalka Soomaaliya.

saacid sacuudiga1

Filo Dhawaan Sawirada Iyo Warbixinta Safarka Wafdiga Balaaran Ee Uu Hogaaminayo R/wasaare Saacid .

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com