Baanka Dhexe Ee Soomaaliya Oo 23 Sano Ka Dib Shaqaale Qaadanaya ( Sawiro)

0

DSC06852Muqdisho(AGGM) Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa muddo 23 sano kadib waxa uu maanta qaadanayaa shaqaale cusub oo ku shaqeyn kara teknoloojiyadda cusub ee ay ku shaqeystaan bankiyada caalamka, iyadoo shaqalaaha cusub ee uu bankiga qaadanayo laga qaadayo imtixaan xagga aqoontooda ku saabsan.

Sarkaal u hadlay maanta Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay in qaadista imtixaankani lagu qaadanayo 10 qof oo kamid noqonaya shaqaalaha bangiga dhexe  ee Soomaaliya, ay  ka dambeysay markii shaqaalihii hore ee bankigu lahaan jiray ay ka soo hareen shaqaale tiro yar oo aan wada dabooli karin howlaha baaxada weyn  ee Bankiga laga sugayo mustaqbalka dhaw.

Sarkaalku waxuu intaa ku daray in shaqaalaha hadda  la qaadanayo ay yihiin dad qibrad u leh  ku shaqeynta qalabka Teknaloojiyada casriga ah, waxayna imtixaanka kadib mari doonaan tabar kor loogu qaadayo aqoontooda ee la xiriirta howlaha bankiyada.

Waa markii ugu horesay mudo sadax iyo labaatan sano kadib uu bankiga dhaxe ee Soomaaliya soo bandhigo jagooyin ka banaan oo loo qaadanayo arday soo dhameysatay waxbarashada heerka Jaamacadeed.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

DSC06841DSC06843DSC06844DSC06852DSC06842DSC068491DSC06851DSC06846