Amisom La Geynayo Gobolka Galgalgaduud

0

ams-soldierMuqdisho(AGGM) Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom, ayaa waxaa lagu wadaa inay Xaruumo ka sameystaan Gobolka Galgaduud, xilli Ciidamada Amisom ay Xarun Militari ku lee yihiin Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Ciidamada ka socdo Amisom ayaa waxaa lagu wadaa inay tababar siiyaan Ciidamadii Ahlu Sunna, ee shalay lagu biiriyay Ciidamada Dowladda Federalka ee Soomaaliya ee ka hawlgala Gobolada Dhexe.

Gudoomiyaha Golaha Fulinta ee Ahlu Sunada Gobolada Dhexe Cabdi Cali Fiidow, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Ciidamada Amisom, ay dhawaan imaan doonaan Gobolka.

Gudoomiyaha ayaa wuxuu cadeeyay in Ciidamadaan ay tababar siinayaan Ciidamadii Ahlu Sunna, ee Jimcihii lagu dhawaaqay in si rasmi ah loogu biiriyay Dowladda Federalka ee Soomaaliya.

Cabdi Cali Fiidow muusan sheegin halka la dejinaayo Ciidamada Amisom ee imaanaaya Gobolka Galgaduud, laakiin wuxuu cadeeyay inay Xarun ka sameysan doonaan Gobolka Galgaduud, si ay tababar u siiyaan Ciidamadooda.

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com