Abaandulaha Xoogga Dalka Oo Shaaciyey Inay Ciidamada Galgaduud Helayaan Xaqoodda.

0

Gen.-Cabdirisaaq2-500x333Muqdisho(AGGM) Taliska Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday in Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan gobolka Galgaduud ay si rasmi ah u helidoonaan ku xaquuqdooda ciidannimo.

Abaanduuulaha ciidamada XDS Gen. C/risaaq Qaliif Cilmi ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada XDS ee ku sugan gobolka Galgaduud ee ahaa ciidamadii Ahlusunna oo hadda la qarameyay kuna biiray ciidamada XDS ay si rasmi ah u helidoonaan xuquuqdii ay ku laaheen dowlada.

Gen C/risaaq abaanduulaha ciidamada XDS ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad shalay lagu furayay xaruntii 21 aad ee ciidamada XDS ay ku lahaayeen gobolka Galgaduud,  iyadoo halkaasina lagu wareejiyay ciidamo ka tirsanaa Ahlusuno oo ku biiray ciidamada XDS.

‘’Ciidankani wuxuu noqondoonaa isku xuquuq  markeey noqoto dhinaca tababarka,  dhinaca xanaanada, qalabeynta iyo gudashada waajibaadka intaba isku mid ayeey ka noqondoonaan,  saacadan laga bilaabo ‘’Sidaasi waxaa yiri Abaanduulaha ciidamada XDS.

Furitaanka xeradii 21 ee ciidamada XDS ee gobolka Galgaduud ayaa loo arkaa tallaabo dhaxalgal ah oo rajo iyo yididiilo wanaagsan gelisay wadaniyiinta Soomaaliyeed ee jecel horumarka iyo balaarinta ciidamada XDS ee Soomaaliya oo ah gashaanka cadowga ummadda Soomaaliyeed.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com