Kismaayo: Laba Askari Oo Ka Tirsan Jabhadda Raaskambooni Oo La Dilay Galabta

0

ZrCxmI1304981742Kismaayo(AGGM) Nawaaxiga Baar Caleen ee Magaalada Kismaayo waxaa galabta ka dhacay iska hor imaad xoogan oo u dhexeyey ciidamadda Jabhadda Raskambooni iyo ganacsato hubeysan oo degaanka u dhashay,waxaana la sheegaya in halkaasi uu ka dhacay iska hor imaad mudo kooban socday.

Ciidamada Jabhadda Raaskambooni  oo caadeystey inay dhac iyo boob u geystaan dadka shacabka ayaa la sheegay inay weerareen kooxo ganacsato ah oo degaanka ka soo jeeda isla markaasna hubeysnaa,waxaana la sheegaya in ciidamada Raaskambooni damacoodu ahaa inay qaad ka dhacaan ganacsatadaasi balse ay iska difaaceen,waxaana halkaas ku geeriyooday laba askari oo ka tirsana jabhadda Raaskambooni.

Sidoo kale waxaa weerarkaasi ku dhaawacmay laba askari oo kale kana tirsanaa jabhadda Raaskambooni,waxaana dhaawacooda loo qaaday isbitaalka Magaalada Kismaayo halkaasi oo dhaawacooda lagu daaweynayo. Ganaccsatadii weerarkaasi iska difaacday ayaa la sheegaya inay wali ku sugan yihiin meeshi iska hor imaadku ka dhacay,waxaana jirta waan-waan ay wadaan waxgaradka Magaalada Kismaayo.

Ciidamadan Jabhadda Raaskambooni ayaa la sheegaya inay bar kantarool dhigteen isla markaasna doonayyeen inay qaadkaasi ay dhacaan,waxaana la sheegay in ganacsatadu u diyaar garoobeen isla markaasna ay difaacdeen hantidoodi,waxaana wararku sheegayaan in jabahda Raaskambooni qorsheynayso weeraro ay mar kale ku qaadaan ganacsatada inkastoo waxgaradku arrintaasi ku dhex jiraan.

Ugu dambeyntii waxaa wali sii socda dhaca iyo boobka Jabhada Raaskambooni ka wadaan gudaha Kismaayo,waxaana talaabadani ku soo aadeysaa xilli dhawaan dawlada federaalka ah iyo jabhadda Raaskambooni heshiis aan wali taabo galin qalinka ku kala duugteen iyadoo dad badan ka soo horjeedaan heshiisyadaasi.

Isha Ku Hay Allgagalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com