Dhageyso: Faarax Sheekh " Shirka Addis Ababa Waxa Uu Ahaa Biloow, Waxaa Lagu Dhameystiri Doonaa Shirar Dib U Heeshiisiin Ah Oo Ka Dhacaya Muqdisho Iyo Kismaayo".

0

faarax_c.qaadirMuqdisho (AGGM): Wasiira Dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya Faarax Sheekh C/qaadir oo hogaaminayay ergadii Dowladda Soomaaliya uga qayb gashay heshiiskii Adis Ababa ayaa ka warbixiyay heshiiskii Dowlada  iyo jubaland gaareen xili ay xalay ku laabteen Wafdigaa Magaalada Muqdisho.

Waxa  uu sheegay Wasiira Dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya in labada dhinac heshiiski ay gaareeen uu ahaa mid si fiican u dhacay waxa uuna u mahad celiyay  Dowlada Itoobiya iyo Urur Gobaleedka IGAD uu sheegay in ay kaalin wayn ka qaateen hirgalinta heshiiskaan.

Wasiira Dowlaha ayaa waxa kale oo uu sheegay shirka Addis Abab ka dhacay uu ahaa biloow islamarkaana shirar kale oo dib u heshisiin ah loogu sameenayo dhamaan beelaha Soomaaliyeed ay ka idoonaan dhawaan Magaaloyinka Muqdisho iyo Kismaayo si loo sii xoojiyo heshiiskaas.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/08/Voice_013.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com