Ciidamada Nabadsugida Dowladda Oo Gacanta Ku Dhigay Ajaanib Ka Tirsanaa Falaagada Al Shabaab.

0

nabadsugidMuqdisho (AGGM): Ciidamada ammaanka ee dowladda ayaa howlgal ay xalay ka sameeyeen magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ku soo qabqabteen maleeshiyaad farabadan oo ka tirsan Falaagada Al Shabaab sida ay warbaahinta dowladda lagu sheegay kuwaasi oo isugu jiray Soomaali iyo Ajaanib.

Howlgalkan oo xalay saqdii dhexe ciidamada amaanka ay ka sameeyeen Hoteelo yar yar ah oo ku yaala suuqa Bakaaraha ayeey ku soo qabqabteen ilaa iyo 27 ruux oo mid ka mid ah uu yahay Ajaanibi, ka dib markii ay ciidamadaasi gudaha Hoteeladaasi isku geedaameen , kadib markii la helay macluumaad ku aadan in alshabaab ay ku jiraan hoteeladaasi,

Howlgalka lagu soo qabtay raggan ayaa waxaa horkacayay taliyaha nabadsugida gobolka Banaadir G/Dhexe Maxamed Aaden Koofi iyo saraakiil kaloo ka tirsan hay’adda Nabadsugida,  waxaana howlgalkani uu qeyb ka yahay howlgallo maalmihii ugu dambeeyay si xowli ah uga soconayay magaalada Muqdisho.

Maleeshiyaadkaasi ayaa waxa si buuxda gacanta ugu hay ciidamada  hay’ada Nabadsugida Qaranka, waxaana ku saocda Baaritaano dheeraad ah,  iyadoo ciidamadu gacanta ku soo dhigeen agabyo kala duwan oo ay wateen kooxdani kuwaas oo muujinaya iney ka tirsanyihiin Argagixisada Al Shabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com