Weftigii Dawlada Ee Addis Ababa Ku Sugnaa Oo Muqdisho Caawa Ku Soo Laabtey

0

jubaMuqdisho(AGGM) Wafdigani uu hogaaminayay Wasiiru dowlaha madaxtooyada Soomaaliya Faarax Sheekh C/qaadir oo isugu jiray wasiir ku xigeeno iyo mudanyaal ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa caawa gagida diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ka soo degay,  iyadoo ay soo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Mudane Faarax C/qaadir wasiiru dowlaha madaxtooyada Dalka iyo wafdiga uu hogaaminayay ee caawa soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay hishiiskii ku dhexmaray magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Juba land in ay ka soo baxeen waxyaabo waxtar u leh umadda Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha madaxtooyada oo hadalkiisa sii wata ayaa meesha ka saaray in ay jiraan beelo wada daga jubooyinka oo dagaal ka dhaxeeyo isgoo dhinaca kale sheegay in beelaha dega halkaasi ay yihiin walaalo taana ay tahay midda deeqda Shacabka Soomaaliyeed.

Ugu danbeyntii Wasiiru dowlaha madaxtooyada Soomaaliya Faarax C/qaadir  ayaa xusay in goor dhow shirar daba socda kan Adis Ababa ay ka kala dhici doonaan magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayoo kuwaa oo lagu xoojinyo wadahadalada u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Juba land.

Hishiiska ay kuwada gaareen dowladda Soomaaliya iyo maamulka Juba land magaalada Adis Ababa ayaa waxaa soo dhweeyay qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaalida, iyadoo laga dhursugayo wada shaqeynta Dowlada Soomaaliyeed iyo maamulka Juba land.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com