Sarkaal Ka Tirsan Dawladda Oo Xalay Lagu Dilay Degmada Kaxda Ee Magaalada Muqdisho

0

timthumb.phpMuqdisho(AGGM) Gudaha degmada Kaxda waxaa xalay lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada nabad sugida dawlada federaalka ah kaasi oo lagu magacaabi jirey Khaliif  Maxamuud Cali,waxaana la sheegay inay kooxo bistoolado ku hubeysanaa ku toogteen gurigiisa hortisa xilli uu ku sugnaa banaanka hore ee hoygiisa.

Khaliif Maxamuud Cali ayaa la sheegay inuu ahaa taliyihii ciidamada nabad sugida degmada Kaxda,waxaana la aaminsan yahay in kooxda Alshabaab ay dilkiisa ka dambeeyeen,waxaana la xaqiijiyey in kooxo dhalinyaro ah oo ku hubeysanaa bistoolado ay dil toogasho ku fuliyeen marxuumkaasi isla markaasna ay ka baxsadeen meesha dilku ka dhacay.

Sidoo kale waxaa kooxda weerarka soo qaaday dhaawacyo kala duwan u geysteen laba ka mid ah ilaalidiisa,waxaana la sheegayaa in xaaladooda caafimaad tahay mid culus iyadoo hadda lagu daaweynayo isbitaalka ku yaala Magaalada Muqdisho halkaasi oo xaaladooda caafimaad ay la tacalayaan saraakisha caafimaadku.

Gudoomiyaha degmada Kaxda ee dawlada federaalka ah ayaa shaaciyey inay ciidamada dawladu ku daba jiraan inay kooxdii weerarkaasi soo qaaday,waxaana uu sheegay in tuhuno la hayo isla markaasna baaritaano dheeri ahi ay socdaan,waxaana uu wacad ku maray inay saacadaha soo socda war cad ka soo saari doonaan dilka sarkaalkaasi.

Ugu dambeyntii weerarada lagu bartilmaameedsado ciidamada dawlada iyo saraakishooda ayaa ah kuwo inta badan ka dhaca degmooyinka Magaalada muqdisho,waxaana dilkaasi inta badan lagu tilmaama inay ka dambeeyaan kooxda Alshabaab oo dhibaato ba,an ku haya shacabka Magaalada Muqdisho ku dhaqan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com