Nicholas Kay oo Soo Dhaweeyay Heshiiskii Ay Dowladdu La Gashay Mamulka KMG ah ee Jubboyinka

0

jubaAddis Ababa(AGGM) Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay ayaa si weyn u soo dhaweeyay heshiiskii magalada Addis’ababa ay ku kala saxiixdeen Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya iyo mamulka KMG ah ee Jubboyinka.

wakiilka Qaramada Midoobay u fadhiya wadanka Soomaaliya Nicholas Key oo ku sugan magaalada Adis’ababa ee dalka Ethiopia ayaa u muujiyay beesha caalamka in dowlada Federaalka Soomaaliya ay qaadday talaabo wanaagsan oo horumar leh isagoo heshiiskii ay la gashay maamulka KMG ah ee jubooyinka ku talaabay arrin loo baahnaa.

Wakaaladda wararka u faafisa dalka Ethiopia oo wax ka qortay shirkaasi ayaa sheegtay in wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Danjire Nikolas Kay uu si weyn usoo dhaweeyay dadaalka ay dowladuu ku dooneyso in hanaanka wadahadalka u marto xaaladaha adag ee dalka ka jira.

Danjiraha Qaramada u qaabilsan Soomaaliya Nicholes Kay ayaa si weyn u taageeray go’aannadii ka soo baxay shirkii dowlada Federaalka iyo maamulka KMG ah ee jubbooyinka ku yeesheen magaalada Adis’ababa.

Sidoo kale wakiilka ayaa ka dalbaday beesha caalamka iney taageerto dadaalada dhinacyada kala duwan leh oo ay waddo dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com