Heshiin Aan Hir-galayn. By. Idiris A. Dooxa-joog

0

dooxajoogWaxay sugayaan maalmuhu in Hor-boodayaal Soomaaliyeed- oo dadka Masuuliyad Siyaasaddeed oo aan loo boqran u sheegta , kuna jira  haatan iyo horayba hab qabyaaladdeedka Soomaalidu u dhigan tahay , qaybtoodna cudud ciidan oo koox odayeedsan lahaayeen looguna yeeri jiray kooxdaas Mooryaanta maalgalisa QABQABLAYAAL -ay isugu imaan jireen shirar badan oo looga hadlaayo xaaladda Murugsan ee Soomaaliya guud ahaan  sidoo kale kulamo looga xaajoonaayo xaalad gobol Soomaaliya ka mid ah u gaara .

Hor-boodayaasha Siyaasadda Soomaaliya ee is-haya oo qabyaaladda ku soo dhuunta kuna beer-laxoowsadda dadka Soomaaliyeed ee dhibaatooyinku dul hogganayaan waxaa shirarka ay isku arkayaan soo jeedin jiray dalal shisheeye ,eegga ay madasha shirka tagaan dhowr caano maal ka dib waxay si wadda jir ah usoo wadda saari jireen heshiis ayaan wadda gaaray .

Soomaalida oo dad wareed ah , waxaa goobaha ay  isugu yimaaddaan guddo iyo bannaanba ku wadda sheekaysan jireen maalmahaas uu raadkiisu qoyan yahay heshiiska .

Muddo gaaban dabaddeed dhibki xalka loo helay siday QABQABLAYAASHU kulankooddu ku sheegeen in ay ku heshiiyeen ayay dadka Soomaaliyeed dhaadan jireen dhibki oo halkiisi ah ama kaba sii daray , dhexdooda ayay war-tabiyaha iska hadal weerari jireen Qabqablayaashi iyadda oo midba midka kale ku eeddaynaayo in uu jabiyey Heshiiski oo uu xarig furay ,isaguna yahay -waa kan kolkaas hadalka haystee- mid illaalinaaya heshiiski , bal haatan is-difaacaaya oo la soo weeraray , laguna gardaroonaayo isaga iyo geeshkiisa qabyaaladdeed.

Dadka Soomaaliyeed oo ah dad QABYAALADDU Muqfuradda ka martay ayaa qalalasaha iyo is-haynta halkeeddi ah haddana sheeko maalmeed ka dhigan jiray , isla kulmidda caynkaas ah ee ay Qabqablayaasha QABYAALADDEED kulmaan waa tu taxane ah oo illaa maantaddaan jirta , aynnuna oran karo marba marka ka dambeeya ayay xaaladda Soomaaliya ka sii dartaa  sidaas darteed shirarka iyo isla kulanka kuwa is-haya ee Masuuliyadda siyaasaddeed dadka Soomaaliyeed u hayaa way sii kor-dhaysaa .

Heshiiska Jubbaland iyo Dawladda 

Magaca ay doonnaan hala baxeen hor-boodayaasha Siyaasadda Soomaaliya 1991-2013 isu soo badbadalay hoggaaminta dawlad ku magacaaban dawladda dalka Soomaaliya iyo Hor-joogayaal soohdimo qabyaaladdeed oo dawlad ula magac baxay haystana qaybo ka mid ah dalka Soomaaliya waa kuwo aragtidda ay ku dhisan yihiin ay mid qudha tahay , magacyadda ay la baxaan , gooraha iyo isbadalladda dhibka sii murjiya oo haddaa dhasha waa kuwo jira bal asalku waa mid oo Hor-jooguhu waa ku qabyaaladdeed , muddadaas dawlad la’aanta Soomaalidu tahay ee burburka lagu jiro waxaan aragkaynay hor-booyaddaal isku cayn ah .

Aynnu isdul taagno heshiishka Jubbaland iyo dawladdu ay ku gaareen magaaladda Addis Ababa ee xarunta u ah dawladda Ethiopia ee aan dariska nahay dhulkeenana qayb innaga haysta , Is-araga Horboodayaasha labadda dhinac ka socday maalmo badan ayay fadhiyeen Addis-Ababa oo dhinac kasti difaac ugu jiray doonitaankiisa , Isjiid jiid badan iyo sidaas waan ku sad la’nahay waxay gabagabaddi ku dhawaaqeen in ay heshiis gaareen , qodobbo dhowr ah ayaa la shaaciyey in labadda dhan ku heshiiyeen .

Sida uu u muuqan karo heshiiskaas aynnu inno ka dhahno , kolka horeba muddada ay madasha fadhiyeen waxay muujinaysaa in aysan waxba ku heshiis , sababta ay qodobbaddaan usoo saareena  heshiin ayaan wadda gaarayna u dhaheen ,waxay tahay ,waxaa jirta in hor-boodayaasha Siyaasaddeed ee Soomaaliya ay qanciyaan qolyaha qalaad ee marti-galiyey wadda hadalka dhinacyadda Soomaalida , taasu waa tu caado ah oo heshiis aan niyad ahayn ayay Soomaalidu isaga dhawaaqaan , si kuway la joogaan ay u tusiyaan sawir ka duwan kan dhabta ah ee ay ku sheegan yihiin Hoggaamiyayaasha Qabyaaladdeed , si kooban u dhihid heshiiska Addis-ababa waxa uu ahaa mid ajaanibta goobta joogtay lagu qancinaayey , sidaas waxaa cayddayn u ah qodobbadda heshiiska kuwo ka mid ah .

Waxaa jiri karta in dadka qaybtood dhan kale ka eeggaan oo ay u arkaan heshiiskaanu waa mid kuwi hore ka duwan ,kolka ay sidaas leeyihiina aysan hayn difaac dooddeed loo qaateen ah oo aan laga dhex arki karin doonitaan qabyaaladdu hagayso ,  waxaase tu hubanti ah oo aan wadda ognahay in aan heshiis hor-boodayaal Soomaaliyeed gaareen aannu dhaqan gali karin haddii uubba dhab ka yahay kuwa soo heshiiyey .

Waxaynnu taas u cuskanaynnaa Soomaalidu hab qabyaaladdeed ayay u dhaqan tahay , dhulku waa u kala soohdimaysan yahay , waxay isku colaadiyaan qabyaaladda , turaal ma leh , dan guud eeggidna warkeed daa , Qabqablayaasha Siyaasadda Soomaaliya iyaggu dhan kasta oo koox odayeed ha jireene waa kuwo ku cooda sidaas , shacabkuse ku dhiban guud ahaan dalka Soomaaliya, sidaas darteen dad qabyaaladdeed heshiis kama dhaqan galo karo , tannu waxay ka dhigan tahay bulsho ku dhex nool caalamka qabyaaladdu maba heshiin karaan , kali ah waxaa isbadal keeni kara Koox mabaadii’eed , laga yaabee Aqriye adigu in aad aqoonsan tahay dawladda Villa- Somalia oo aad qabto yididiiladda ah dib ayay u hagaajinaysaa dawladnimaddi innaga duntay , aaminaaddaadaasu waa tu mugdi dhex heehaabaysa , dabcan in badanna isma-wayddiin oo ay ka kow tahay horta  aragtiddee dawladnimo lagu gaaraa .

Sheeko Maalmeed.

Heshiiskan haatan qalinki lagu kala saxiixday ay qadiisu wali qoyan tahay waxaa uu la nooc yahay heshiisyo hore oo badan oo qabqablayaasha qabyaaladdeed ee Soomaaliya wadda gaareen , kuwaas oo aan dhaqan galin bal noqday SHEEKO MAALMEED  ay ku wadda sheekaystaan dadka Soomaaliyeed intoodda dhagta u taagta xaaladda Siyaasaddeed ee Soomaaliya ee isugu yimaadda goobaha loo yaqaan Fadhi ku dagaalanka oo ay ka socdaan doodo aan milgo lahayn iyo is-xaalwaraysi qabyaaladdaysan .

Heshiiska Hor-boodayaal siyaasaddeed oo Soomaaliyeed wadda gaareen sababta ka dhigaysa mid aan SHEEKO MAALMEED dhaafsiisanayn waa in dadka Soomaaliyeed noloshooda u sadqeeyaan oday dhintay , aynna hab qaldan tahay sida Soomaalida noloshu ugu qiimaysan tahay , nuxur iyo cudoonaan ma leh heshiis Soomaaliyeed sababta oo ah dadki ayaa noqday kuwo qafiif ah oo aan lahayn dadnimo sii ridan , qofka Soomaaliyeedna waa ku u nool qabyaaladdaas .

Dheefta dadka Soomaaliyeed uu u leeyahay Heshiiska Addis-Ababa si urursan waxay u noqonaysaa waxaa SHEEKO MAALMEEL Soomaalidu goobaha kulanka ay kaga sheekaysan doonnaan , Waxaa todobaddaankaan ay qaadaa dhiganayaan inta ku xiran Siyaasadda Qabyaaladdaysan ee Soomaaliya , HESHIISKI ADDIS-ABABA , labadda dhan ayayna u kala safan yihiin , malaha kuwaas fadhi ku dagaalanka jooga ayaaba taladda siiya Hor-boodayaasha kunna dhiiriya ka bixidda heshiiska uu sheegay in uu ka qayb ahaa illaalinaayona qabqablahaasu .

Dhamayn .

Xaalka Siyaasaddeed ee Soomaaliya ( danta Shacabka Soomaaliyeed) waa ku sii xumaanaaya marba marka ka sii gadaalaysa 1991-di halki ay danta Shacabka Soomaaliyeed taagnayd iyo marxaladdi ay ku sugnayd tu la mid ah ayay maanta dhex joogtaa , gu’yaasha innagu soo aaddan haddii dunnidu sii jirto oo aan ALLE KH raficin (dhamaanka dunnida ) waxaa Soomaalida dhibaato daran u gaysan doona nadaamka Qabyaaladdu dabadda ka riixayso ee lagu xardhay buuga Dastuur Soomaaliyeedka loogu yeero Waa Federaalka (Gobolaysiga dawladdaysan) waxa loogu yeero .

Sii kala ahe Goboladda Jubbooyinka ee dalka Soomaaliya waxa uu baddayaa Federaalaysiga balaayaysani dhibaato aad u baaxad wayn , is-haysasho aan dhamaad lahayn , waa siday illa tahaye … isbadalo dhaca dhanka ALLE oo kali ah ayaa sugnaanteedda leh bal saansaanta iyo saadaasha kolka aan sida loo dhigan yahay u fiirsano geesas baddana ka eegno kama muuqato in Soomaalidu dhowdahay , dhowaantu waa in ay ka soo kabsaddaan masiibadda haleelsan oo Soo-jireenkooda haysatay  kuna samaysanta koox odayeed kala noqoshadda aan meel loo celiyo lahayn eegga laga tago garasho soo jireen ah oo aamintay oday dhintay , bulsho aan helin Murtiyahano daah-fura dhabo cusub oo lagu hago dadka Soomaaliyeed si isbadal loo hello oo looga baxo Qabyaaladdaysigaan inna qurunsadday.

Ugu dambayntii Heshiiska Jubbaland iyo Dawladdu ma ahan mid tisqaadi kara , ajaabiinta ayaynna kaga gabanayeen labadda dhinac ee heshiiska wadda gaaray oo dad muddo shirsanaa oo heshiin waayey ayay ka cararayeen in ay ku sheegmaan , taas oo ah mid dad kale lagu raali-galinaayo , laguna dhawaaqayo arrin aan raali laga ahayn oo aan afka baarkiisa dhaafsiisnayn .

 W/Q Idiris A. Dooxa-joog

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com