Golaha Wasiirada oo shiray iyo Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay wufuud ka socotay Q/midoobay iyo Midowga Afrika: Warsaxaafadeed+Sawirro

0

IMG_8265Muqdisho(AGGM) Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, kaasoo uu shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, iyadoo looga dooday qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen heshiiskii ka dhacay magaalada Addis ababa, iyo qorshaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa waxaa ugu horeyntii goluhu warbixino uga dhegeysteen Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga mudane Cabdikariin Guuleed, wuxuuna uga waramay xaaladda amniga dalka, isaga oo xusay in todobaadyadii ugu dambeeyey ciidanka amnigu ay xaqiijiyeen sugida amniga dalka, gaar ahaana caasimadda.

Kulanka ayaa markii uu soo gabagaboobay waxaa warbaahinta uga warbixiyay afhayeenka Xukuumada Mudane Ridwaan Xaaji Cabdiweli isaga oo tilmaamay in kulanka golaha diirada lagu saaray amniga.

Afhayeenka ayaa xusay in golaha Wasiirada ay ka doodeen heshiiskii magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Itoobiya ku dhex maray dawladda Federaalka Soomaaliyeed iyo hogaanka maamulka Jubba, waxayna golaha Wasiirada soo dhoweeyeen isla markaana ansixiyeen heshiiskaasi.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa sheegay in golaha Wasiiradu ay ansixiyeen qorshaha Boliiska ee 4-ta sano ee soo socota lagu maamuli doono, kaasoo ah qorshe lagu horumarinayo tirada, tayada iyo tababarka ciidanka Boliiska ee ka howlgala dhamaan gobolada dalka Soomaaliya.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ayaa qaabilay wafdi ballaaran oo ka socday Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, waxaana hogaaminayay

Amb.Walid Musa oo ka socday Waaxda Ciidanka Nabad illaalinta ee Q/midoobay iyo Amb. Mahamat Saleh Annadif waxayna ka wada hadleen arrimo khuseeya sidii loo ballaarin lahaa howlgalka nabad illaalinta ee AMISOM.

Gabagabadii kulankan ayaa waxaa hadlay afhayeenka Xukuumada Mudane Ridwaan, wuxuuna xusay in wufuudan ay shir wada qaateen Ra’iisul Wasaaraha ayna ka wada hadleen sidii loo ballaarin lahaa howlgalka AMISOM, looguna badali lahaa mid ku howlgala magaca Q/midoobay, waxaana wafdigani ay socdaalo ku sii tegi doonaan gobolada dalka, ee ay ka howlgalaan ciidanka AMISOM, sida Beledweyne iyo Baydhabo, iyaga oo qiimeyn doona howlgalada amniga iyo illaalinta nabadda ah ee ay ka wadaan goobahaasi iyo weliba mashaariicda horumarineed.

IMG_8255IMG_8260IMG_8265