Xal Nabadeed Oo Laga Gaaray Beelo Ku Dagaalamay Gobolka Hiiraan ( Sawiro)

0

beelo-lagu-heshiisiiyay-gobolka-hiiraan-10Baladweyne (AGGM) Odayaasha iyo waxgaradka beelo walaalo ah oo dhowaan ku dagaalamay deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa sheegay iney hirgeliyeen xabad joojin uu dhowaan maamulka gobolka Hiiraan kala dhexdhigay beelo ku dagaalamay deegaanka Deefoow oo ka tirsan gobolka.

Qaar la mid ah odayaasha dhaqanka ee beelahaasi oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa si diiran usoo dhaweeyay tallaabada uu maamulka gobolka Hiiraan xabbad joojinta ku kala dhixdhigay beelahaasi.

Sidoo kale odayaasha ayaa tilmaamay in dhankooda ay hirgeliyeen xabadjoojintaasi islamarkaana ay ku qanciyeen labada beelood iney qaataan nabadda.

Odayaasha ayaa hoosta ka xariiqay in wadahal kadib labada beelood ay ka heshiiyeen colaaddi dhexmartay,  waxeyna odayaashu arrintaasi uga mahadceliyeen maamulka gobolka Hiiraan oo kaalinta ugu weyn ka qaatay muwaafaqada ay gaareen beelahaasi.

Tallaabadan ay qaadeen mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan ee ku aadan xabad joojinta iyo heshiiska uu ka dhex dhaliyay labada beelood ayaa loo arkaa mid dhabbaha u xaareysa  nabadgelyda iyo horumarka gobolka Hiiraan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

beelo-lagu-heshiisiiyay-gobolka-hiiraan-2beelo-lagu-heshiisiiyay-gobolka-hiiraan-4beelo-lagu-heshiisiiyay-gobolka-hiiraan-6beelo-lagu-heshiisiiyay-gobolka-hiiraan-10beelo-lagu-heshiisiiyay-gobolka-hiiraan-12beelo-lagu-heshiisiiyay-gobolka-hiiraan-13beelo-lagu-heshiisiiyay-gobolka-hiiraan-13