War Deg Deg Ah: Jirdil Iyo Dhac Loo Geesanayo Dadka Ku Nool Xaafada Guulwade Ee Magaalada Kismaayo.

0

Breaking_NewsKismaayo (AGGM): Wararka iminka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Kenya ay isku weer ka qabteen xaafada Guulwade ee magaalada Kismaayo kadibna ay gudaha u galeen maleeshiyo beeleedka Raaskambooni oo hadda Jirdil iyo Dhac ku haya dadka ku nool xafadaasi.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in dad badan oo kamid ahaa dadki ku noolaa xaafada Guulwade ee magaalada Kismaayo guryahoodi iyo goobihi ganacsi ay dhac u geesanayaan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni halka qaar kalena ay u kaxeeysteen dhinaca saldhiga iyo xabsiga magaaladaasi.

Ma,ahan marki ugu horeeysay ee ay maleeshiyo beeleedka Raaskambooni oo ay garab siinayaan ciidamada Kenya ay geeystaan falal isugu jira Dhac, Dil, Kufsi iyo Jirdil ee waa wax soo noqonoqnayay ilaa maalinki ay ciidamada Kenya gudaha usoo galeen magaalada Kismaayo.

Xiriir aanu goor dhawayd la sameeynay Mid kamid ah dadka deegaanka oo ka gaabsaday magaciisa xaalado amaan awgood ayaa waxaanu weeydiinay sababta keentay in xaafadan kaliya ay noqoto bar tilmaameedka koowaad ee maleeshiyo beeleedka Raaskambooni waxa uuna inoogu jawaabay ” Walaale nimanku qabiil kamid ah qabiilada daga deegaanka ayay dagaal iyo dabar gooyn ku hayaan, kan ugu weeyn iyo kan ugu yarna isma dhaamaanoo waa isku caqli, waxa ayna maanta aad uga caroodeen go’aamada ka soo baxay shirkii Addis Ababa, sidaas ayaana keentay inay xaafada gudaha u soo galaan”. waa sida uu u yiri hadalka’e

“Anaga waxa na dilaya ama na dhacaya waxaa gacmaha inoo haya waa ciidamada Dowladda Kenya oo waxa ay naga dhacaan Raaskambooniyiinta waxaa looga geeyaa qeeybtooda ciidamada Kenya, iyaguna dusheey ka ilaaliyaan mana soo galaan xaafada”.

Isku soo wada duboo waxaa hubaal ah maalinti ciidamada Kenya ay ka baxaan magaalada Kismaayo inaysan ka hareen oo ay raacayaan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Waxii kasoo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com