Shir Looga Hadlayo Horumarinta Soomaaliya Oo La Filayo In Maanta Lagu Soo Gebagebeeyo Adis’ababa

0

sheAddis Ababa(AGGM) Shir looga hadlayay horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya oo ay ka qeybgaleen wakiillo ka kala socday urur goboleedka IGAD ayaa maanta la filayaa in lagu soo gebagebeeyo magaalada Addis Ababa ee caasimadda Dalka Ethiopia

Kulankan oo maalintii Isniinta ahayd ka furmay magaalada Addis’ababa ee xarunta Ethiopia ayaa muddadii uu socday waxaa lagu lafa guray sidii loo heli lahaa wadiiqooyin sahlaya dib u dhiska dalka Soomaaliya,  kaasi oo la filayo in geba gebada maanta laga soo saaro warmurtiyeed xumbaarsan natiijooyinka shirka.

Wakaalada waraarka Ethiopia  ENA oo wax ka qortay macluumaadka shirka ayaa sheegtay  in la filayo warmurtiyeed ku aadan fursadaha lagu taageeri karo habka maamulka iyo dowlada wanaaga Soomaaliya,  goobaha aqabadaha ay ka taagan yihiin ,iyo in taageero dhaqaale la siiyo Soomaaliya.

Danjiraha Soomalia ee dalka Ithioopia Axmed C/salaam Xaaji oo ka hadlaya madasha kulanka ayaa ku boorriyay beeshs caalamka in ay sii laba laabaan taageerada dib u dhiska dalka Soomaaliya, safiirka waxaa kaloo uu sheegay in dowlada Soomaaliya ay wadashaqeyn buuxda la leedahay Midowga Africa iyo urur goboleedka IGAD si loogu guulaysto dib u dhiska iyo xasilinta dalka.

Kulanka ayaa waxaa qaban qaabadiisa iska kashaday Machadka dhaqaalaha iyo siyaasada bulshada iyo gudiga dhaqaalaha Africa ayadoo shirka uu socday muddo Sedex maalmood ah.

Shirka ayaa ujedadiisu tahay in Soomaaliya lagu soo celiyo nidaamkeedi hore iyo in laga kaalmeeyo dib u soo kabashada iyo fahmka meelaha aqabadaha kaga imaanayan, ayadoo la tixgelinayo Soomaaliya in ay wax kasta ay hormuud ka noqoto ka tashiga aayeheeda.

Shirka ayaa waxaa isugu yimid dad quburo ah oo ka kala socda Soomaaliya iyo caalamka kuwaasi oo ka shaqeynaya sidii loo heli lahaa dhabbaha ugu sahlan ee arimahani loogu guulaysan karo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com