Maamulka Dowladda Soomaaliya Ee Gobolka Galgaduud Oo Sheegay Inay Canshuur Qaadis Billaabayaan.

0

CIRFOCaabudwaaq (AGGM): Maamulka dowladda Soomaaliya ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in dhowaan deegaannada gobolka laga billaabi doono canshuur ururinta dowladda.

Guddoomiyaha maamulka dowladda ee gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye Cirfo oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in dadka ganacsatada ah ee gobolka laga doonayo in ay bixiyaan canshuuraha.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in dakhliga canshuuraha lagu qaban dooono horumarinta adeegyada bulshada iyo bixinta mushaharaadka ciidamada dowladda ee gobolka.

Xuseen Cali Wehliye oo dhowaan ay dowladda Soomaaliya u magacowday guddoomiyaha gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa kulamo kala duwan waxa uu la yeelanayay dhowaanahanba qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com